War-saxaafadeed:- Wariyayaal Reer Somaliland ah oo lagu xidhay Kililka 5aad ee Itoobiya

0
270

 

Calanka-ItoobiyaHargeysa(Waaheen) Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu xukuumadda Somaliland iyo madaxda Dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ugu baaqayaa inay Xorriyadiisa usoo celiyaan Wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim oo ka tirsan HCTV, kaasoo isaga iyo afar wariye oo kale ciidamadda Liyuu Booliisku ka kaxaysteen magaaladda Wajaale.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu xaqiijiyey inay wariyayaasha kala ah Muxyadiin Maxamed Daahir Tv-ga Qaranka, Ayaanle Maxamed Xaaji Bulsho Tv, Cilmi Maxamed Jaamac STAR, Caydaruus Axmed Ismaaciil Universal ay Xorriyadoodii dib u heleen, hase yeeshee wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim oo ka tirsan HCTV illaa hada xidhan yahay.

Ururka SOLJA waxa uu mar kale Xukuumadda Somaliland ugu baaqayaa inay ka hawl-gasho sidii wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim u heli lahaa Xorriyadiisa, sidoo kale waxay uga mahad celinaysaa kooxda la soo daayey sida ay u qaabishay