Wasiir ku-xigeen ka Tirsan Xukumada Siilaanyo oo Afduubtay Maamulo Dugsi

0
69

 

 

dhimbilHargeysa(Waaheen) Wasiir Ku-xigeenka Caafimadka Xasan Daahir Dhimbiil ayaa Afduubtay Maamulihii Dugsiga Young Muslim Academic oo ku yaala magaalada Hargeysa.

Wasiirka ayaa la sheegay in sababta uu u Afduubtay Maamulaha dugsigaasi ay ahayd in Arday uu dhalay oo Dugsiga dhigta la waydiiyey lacagtii Fii-ga,  Isla markaana la eryey, wasiirka oo ka xanaaqsan Wiilkiisasi la eryey ayaa waxa uu soo kaxaysta 3 Askari Isla marka uu Maamulihii iskulkaasi uu xidhay, Wasiirka ayaa lasheegay in markii koowad ee falkaasi uu ku kaco aanay ahayn waxase dhacdadan oo kale kula kacay Maamulaha Dugsiga Turkiga ee ku yaala Hargeysa.

Waxa kale oo ay wararku intaasi ku darayaan in markii wasiirku Iskuulka galay uu siitay Bastoolad oo uu waliba lulayey, isaga ku hanjabayey in uu dhibaato gaadhsiindoono cidii wiilkiisa eriday, balse markii danbe waxa uu gacant aku dhigay maamulihii dugsiga oo saldhiga dhexe ee Hargeysa uu geystay.

Warar kale oo aanu helay ayaa sheegay in maamulaha oo muddo maalin ah u xidhnaa Wasiirka markii danbe uu soo dayey Wasiirka waxbarashada Somaliland Mr. Habane.

Falkan uu wasiirku ku kacay ayaa ah mid ceeb ku ah qaranimada Somaliland iyo kala danbeynta Dawladnimo.