Madaxweyne Maal-gashigu Kama Maarmi Karo Baanan Ganacsi Oo Caalami Ah.

0
73

 

damiDal kasta oo ka mida dalalka aduunka ha yaraado ama ha waynaaydo wuxuu xooga saara sidii uu u soo jiidan lahaa maal-gashi shisheeye si dhaqaalihiisa u kobciyo iyo si uu dadkiisa shaqooyin uga abuuro, sidaa si la mid ah waxay dhiiri geliyaan maal-shiga dalka gudihiisa, si taa loo helo waxay samaayeen wax kasta oo shirkadaha u fududayn kara inay maal-gashadaan dalkooda.

 

Shuruudaha lagama maarmaanka ah ee maal-gashigu u baahan yahay waxa ka mid ah: daganaansho siyaasadeed iyo amni sugan, shuruuc maal-gashi oo macquul ah, baanan ganacsi oo caalami ah, garsoor madax banaan oo cadaalad u samayn kara dawlada iyo shirkdaha haddiiba muran soo kala dhex galo, dulqaad in loo yeesho dadka ajinabiga ah ee kala dhaqanka iyo kala diimaha ah iyo dalka gudihiisa in laga heli karo shaqaale leh xirfadaha loo baahan yahay.

 

Hadaba madaxweynaha JSL mudane Axmed Maxamed iyo qaar ka mid ah wasiiradiisu mar kasta khudbadahooda waxay ku soo daraan ama ku celceliyaan in xukuumadoodu gacmo furan ku soo dhawaynayso cid kasta oo dalka maal galinaysa si xal loogu heli shaqo la’aanta dhalinyarada iyo dhaqaale xumada. Hadaba waxa hubaal ah in shuruudaha maal-gashiga qaarkood Somaliland ka soo bixi karto sida in la fasaxo baananka ganacsiga waase haddii daacad laga yahay.

 

Bal dib u u milicso khudabadii madaxweynaha ee sanadka cusub 2016 ee uu ka hor akhriyey labada aqal ee baarlamaanka iyo qodobadii ugu muhiimsanaa ee dadweynuhuna hoosta ka xariiqay, waxa ka mid ahaa in la furayo baananka ganacsiga markiise madaxweynuhu xeerka baananka ganacsiga u soo gudbiyey golaha wakiilada si loo ansixiyo waxa ishortaagay xubnihii xisbiga KULMIYE  ee taageri jiray “motion” kasta oo madaxtooyadu wadato sax iyo qalad kuu doonaba ha ahaade. Akhriste maxaa kaaga baxay?

 

Anigu waxan u malaynayaa in madaxweynuhu xeerka farriin ka daba diray si aan loo ansixin. Madaxda waxa sumcada ka dila balan-qaadyo aan dhab ka ahayn ama aanay fulin karin (Never make a commitment unless you are going to keep it).

 

Cadayn kalena waxay tahay wasiirka maaliyada iyo gudoomiyaha Baanka Dhexe oo laga filayey inay xeerka u ololeeyaan hal erey kuma ay taageerin ansixinta xeerka baanka ganacsiga. Aamusnaanta masuuliyiinta dawlada waxa loo fasiran karaa farriin kale oo loo diray wakiilada muxaafidka ah oo ah in xeerka laga codeeyo ama la carqaladeeyo.

 

Xisbiyada mucaaridka ah iyaga qudhoodu waxay ka baaqsadeen inay xukuumada cadaadis ku saaraan in la ogolaado baananka ganacsiga oo dalka aad ugu baahan yahay, waxa iyana doorkii ay lahaayeen ka gaabiyey aqoon-yahanka Somaliland gaar ahaan kuwa barta ama soo bartay cilmiga dhaqaalaha.

 

Si kastaba ha ahaate madaxweyne Siilaanyo haddii aanu shax guurin wuxuu shahaadada sare ku sitaa cilmiga dhaqaalaha sidaadaraadeed laga aqbali maayo inuu garan kari waayo muhiimada baanka ganacsigu u leeyahay ganasiga dalka iyo maal-gashiga: lagamana rumaysanayo inuu maaro u waayey sixir bararka iyo sarif bararka la dagay noloshii bulshada dan yarta ah.

 

Dhinaca kale dalalka muslinka ah oo ka kooban 53 wadan dhamaantood waxa ka furan baananka ganacsiga caalamiga ah, hadaba waxa wax lala yaabo ah in culimada Somaliland qaarkood ku doodaan inay xaaran tahay in baanka ganacsiga laga furo Somaliland oo macnaheedu noqon kara ama loo qaadan karo in islaanimada Somaliland ka duwan tahay islaanimada wadanada kale ee dunida Muslinka ah.

 

Gabagabo inta uu jiro heshiiska u dhaxeeya xukuumada, xawalaadaha, koox culimo ah iyo golaha wakiilada lagama yaabo in dalka laga furo baananka gancasiga oo taagero siin lahaa ganacsiga soo koraya ama Somaliland lagu aamini laha

 

Cabdiraxmaan Cadami

abdirahmanadami22@gmail.com