Hal Qof oo ku Dhintay Guri ku yaala Hargeysa oo Dab ka kacay

0
34

50000Hargeysa(Waaheen) Dab ka kacay  Guri ku yaala xaafada Aw Aadan ee degmada Gacan libaax ee magaalada Hargeysa  ayaa  sababay khasaare iskugu jira naf iyo maal.

Dadweynaha ku dhaqan xaafada Aw Aadan ayaa gurmad xoogan u fidiyey guriga uu dabku ka kacay, kuwaas oo ku guulaystay inay bakhtiiyaan, balse waxa gurigaasi ku geeriyooday hal qof oo gudaha ugu jira isla markaana waxa ku baaba’ay dhamaanba hantidii dhex taalay.

Ciidamada dab-damiska ayaa goor danbe soo gaadhay goobta uu ku yaalo guriga uu dabku qabsaday, taas oo ay gadood kala hor tageen dadweynihii ku guulaystay inay bakhtiiyaan dabkaasi.