Gudd. Gobolada ee waxbarashada iyo hawlwadeeno wasaarada ka tirsan oo Kulan hawleed uga furmay Hargeysa

0
126

Gudoomiyayaasha wasaarada waxbarashada gobolada dalka iyo hawlwadeeno ka tirsan wasaaradaasi ayaa Hotel Maansoor uga furmay kulan hawleed ku saabsan sidii imtixaanaadka shahaadiga ah ee dalka ka furmi doona maalinta sabtida todobaadka soo socda uga qabsoomi lahaa si cadaalada ah, isla markaana meesha looga saari lahaa waxyaabaha qishka ardayda qaarkood ku kacaan iyo in hawlwadeenada ilaalinaya imtixaanku ay gutaan waajibaadkooda shaqo.

Kulankan oo dardaaran ka jeediyeen wasiirka waxbarashada jamhuuriyada Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Habane, agaasimaha guud ee wasaarada Abiib Axmed Cali iyo Daa’uud Axmed Faarax iyo xubo kale ayaa ugu horayn waxa halkaasi hadal kooban oo dhinacyo badan taabanaya ka jeediyay gudoomiyaha guddiga imtaanaadka qaranka Daa’uud Axmed Faarax waxana ka mid ahaa hadalkiisa “Ceeb ilaahay ha asturo anagu waxba ma sheegno, balse waxaanu ognahay in hada lacag la ururiyay la doonayo in imtixaanada lagu dhaawaco dhici mayso, wax kasta waanu ka warhaynaa. Xubnaha waajibaadkooda guta iyo ka aan gudan waanu kala ognahay, isla markaana waa lagu kala abaarmarinaya sida ay wax u qabtaan.

 

Waxaan idiin sheegayaa in imtixaanka bilaabmayo, waajibaadkiina shaqana yahay ilaalinta iyo ka warhaynta imtixaanka. Ardayga ku soo talo gala inuu eegto ama hawlwadaanka u fududeeya ardayguna waxba muu korodhsan haduu moodayo inuu A tagayo, hawlwadeenkuna dambi ayuu galay. Waar waajibaadkiina guta”

 

Agaasimaha guud waxbarashada Abiib Axmed Cali Waxa uu Yidhi “Horta islaam baynu nahay, markaa astaamihii islaamka inaynu la nimaadno ayaa muhiim ah.

 

Ardayga dhaca iyo mid gudba , ka dhacaa waxa uu noqon jiray ku dadaal sameeya oo horumar la yimaada. Waxa idinku waajib ah gudashada xilkaasi balaadhan ee imtixaanka ilaalintiisa, eegistiisa iyo hawlihiisaba ilaahayna ha inoo fudaydiyo”

 

Wasiirka waxbarashada Cabdilaahi Ibraahim Habane oo kulan hawleedkaasi oo dhawr cisho socon doona ka hadlay ayaa aad ugu dheeraaday hawlaha looga

 

baahan yahay gudoomiyayaasha gobolada ee waxbarashada iyo hawlwadeenada arrimaha imtixaanka ka shaqaynaya. Waxaanu ugu baaqay inay gutaan waajibaadka ka saaran imtixaanka, isagoo kula dardaarmay in si cadaalad ah uu u dhaco imtixaanku. Waxaanu tilmaamay in hawlwadeenka guta shaqadiisa haddii ay wax kale u qaban kari waayaan ay soo jeedinayaan amaantiisa waxqabad ka kale ee aan gudan waajibaadkiisa aanu la mid noqon doonin. Wasiirka waxa uu si weyn uga hadlay in ardayda gebi ahaan aad looga baadho Mobilada iwm ah iyo qishka oo si weyn looga ilaaliyo. Waxaanu ardayda u soo jeediyay inay dadaal sameeyaan, isla markaana maadaama imtixaanku naxdin gaar ah iska leeyahay ay ka shaqeeyaan su’aalaha ay garanayaan aanay ku habsaamin kuwa aanay garanayn si aanu wakhtigu uga dhicin