Akhri: Qodobada Heshiiska Dekeda Berbera ee Xukuumada iyo DP World

0
204

Heshiiska hadda dhacay oo ah nooca afingiriisiga lagu yidhaahdo, Term Sheet, waa shuruudaha iyo xakamaha heshiiska ganacsiga, caadi ahaanna waxaa laga horreysiiyaa heshiiska rasmiga ah, oo waa tijaabo haddii uu fulo, keenaysa in heshiis sharci oo kama dambays ah la galo.

Heshiiskan waxaa bilowgiisa lagu sheegay in labada dhinac ay ku heshiiyeen in wixii war ah ee heshiiskan la xidhiidhaa uu yahay sir culus, waxa aanu dhinac kastaa ballan qaaday in warkan aan loo sheegin cid kale, marka laga reebo ciddii in ay heshiiskan faahfaahintiisa ogaataa lagama maarmaan u tahay dhamaystirka heshiiska. Ciddaasina ay noqonayso cid lagu magacaabayo heshiiskan ama sharci ahaan aan looga maarmayn in ay ogaato heshiiska.

Intaas kadib waxaa xaashidan heshiis lagu qoray in dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ay leedahay isla markaana tahay hawlwadeenka dekedda Berbera ee Somaliland, iyada oo arrintaas u igmatay maamulka dekeddaha Berbera. Laakiin lahaanshiyaha dekedda iyo xuquuqda ka shaqaysiinteedaba lagu wareejiyo haayad lagu magacaabay, Maamulka dekedda Berbera oo ah shirkad dekeddeed oo iskaashi iyo la shaqaynba la’ samaynaysa, shirkad lagu midoobey, balse cidda u dambaysa ee gebi ahaan iska lihi ay tahay dawladda Somaliland.

Shida heshiiskan ku cad waxaa la dhisi doonaa shirkad tijaabo ah oo boqolkiiba 65 ay leedahay shirkadda dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee DPW qayb ka mid ah oo lagu magacaabay FZE, halka inta soo hadhay oo ah boqolkiiba 35 ay yeelanayso Somaliland.

Shirkadda dekedda lagu wareejiyey waxa ay ka masuul ahaan doontaa:

– In ay fuliso hawlo ballaadhinta dekedda ah, oo ay ka mid yihiin dhismaha iyo ka shaqaysiinta dekedda hadda dhisan.

– Dhismaha iyo ka shaqaysiinta furdado cusub.

– Iyada oo dhammaan wax yaabaha dekedda lagu soo kordhiyeyna ay Somaliland yeelanayso mulkiyaddeeda u dambaysa.

– Shuruudaha Somaliland laga rabo heshiiska rasmiga ah ka hor:

– Sida ay dhinacyadu ku heshiiyeen shuruudaha hore waxaa iyagana raacaya oo lagama maarmaan ah in ay fulaan heshiiska rasmiga ah ka hor, shuruudaha ah:

– In uu marka hore dhaqangal noqdo oo uu shaqeeyo heshiiska saamileyda shirkadda cusub ee labada dhinac u abuurayaan maamulista dekedda Berbera, iyo sidoo kale heshiiska adeegga maamul.

– In Baarlamanku ansixiyo heshiiskan oo sida ku cad dhukumantigan Geeska Afrika uu helay lagu magacaabay Concession Agreement, mid ka mid ah qaamuusyada uu wargeysku isticmaalayna uu ku macnaynayo. Qandaraas dhex mara dawlad iyo shirkad oo shirkadda xaq u siinaya hawlgelinta iyo ku shaqaynta ganacsi ama haayad gaar ah, iyada oo aan ka baxayn xayndaabka shuruucda dalka, isla markaana shuruudo gaar ah oo laga heshiiyey lagu xidhayo.

– In xukuumaddu ay dhamaystirto ansixinta wixii sharci ahaan ansixin looga baahan yahay awood u siinta habaynta cashuuraha si waafaqsan Faqradda 18aad ee xaashida shuruudaha heshiiska.

– In la arko caddaymo muujinaya in Somaliland ay si sharciga waafaqsan shirkadda ugu wareejisay dhammaan xuquuqdii lahaanshiyo iyo hawleed ee dekedda.

– In Somaliland ay bixisay dhammaan rukhsadihii iyo fasaxyadii suurtogelinayey hawlaha ballaadhinta dekedda.

– Waxaa  Somaliland laga rabaa warbixin maaliyadeedkii ugu dambeeyey ee dekedda, iyo warbixinnihii shaqo ee dekedda hore looga diyaariyey.

Maxaa Somaliland ka mamnuuc ah inta uu heshiisku socdo:

Heshiiskani waxa uu xusayaa in muddada uu heshiiskani socdo aanay dawladda Somaliland u bannanayn in ay rukhsad siiso shirkad ama cid kale oo doonaysa in ay ka shaqayso rogista shixnadaha, gaar ahaan kontiinarada iwm. Waxa kale oo ka reebban in ay dhisto ama horumariso dekedo cusub oo shaqo ahaan la tartami kara dekedaha Somaliland ee ay gacanta ku hayso shirkadda lagu wareejinayaa, waa se’ haddii aanu isticmaalka dekeddu gaadhin boqolkiiba 75 intii ay qaban karaysay, shirkadda la wareegtayna aanay wadin dhismaha awood dheeraad ah, weliba marka ay sidaas tahayna Somaliland waxaa waajib ku ah in ay shirkadda dekedda la wareegtay ay xaq u siiso in ay diidi karto abuurista deked tartan la gasha. Shirkadda dekedda la wareegtay waxa kale oo uu heshiiskan horudhaca ahi xaq u siinayaa in ay diidi karto dhismaha ama soo kordhinta marinno shixnadeed oo kale, haddii ay u aragto in ganacsi ahaan ay iyadu (Shirkadda la wareegtay dekeddu) hawshaas qaban karto.

Muddada heshiiska iyo cidda awood u leh kordhintiisa:

Heshiiska horudhaca ah ee uu Geeska Afrika helay waxa uu caddaynayaa in muddada uu heshiiska la wareegista maamulka dekeddu soconayaa noqon doono 30 sano oo ka bilaabanaya taariikhda ay shirkaddu si rasmi ah ula wareegto dekedda. Waxa se’ waqtigan lagu kordhin doonaa wixii waqti ah ee ku luma dib u dhac ku yimaadda sabab aan awooddedu gacanta ugu jirin dhinacyada ama hawlaha ballaadhinta dekedda oo waqtiga loogu talagalay ka bata. Sidoo kale shirkadda dekedda maamulkeeda la wareegaysaa waxa ay xaq u leedahay in ay iskeed muddada heshiiska ugu darsato 10 sano, oo isla heshiiskan hore uun lagu dhaqmayo, ama heshiis kale oo labada dhinac isla ogol yihiin la samaynayo. Wixii muddo kordhin intaas ka badanna labada dhinac ayaa ka heshiinaya.

Lacagta wareejin iyo awoodda kordhinta tacriifadda dekedda:

Heshiiska horudhaca ah waxaa ku cad lacag lagu magacaabay xaqal wareejinta oo ah lacagta aynu xaqal-qalinka ku magacowno ee heshiiskan oo kale marka uu dhaco ay shirkaduhu bixiyaan, waxaana dhukumantiga ku cad in Somaliland la siiyo lacag dhan 15 Milyan oo doolar oo 5 Milyan oo ka mid ahi ay noqonayaan qalab loogu talogalay in Somaliland uu ka caawiyo diyaarinta hawlaha wareejinta dekedda, kuna jiraan, Doonni nooca Taagga loo yaqaanno ee maraakiibta soo xidha ah iyo sidoo kale mid ah nooca Pilot ka loo yaqaanno, halka 10 ka Milyan ee soo hadhayna Kaash ahaan loo siinayo Somaliland.

Sidoo kale waxaa shirkadda laga rabaa lacag sannadleh ah oo u qaybsanta laba nooc.

– 5 Milyan oo go’an oo joogto sannad kasta la siinayo xukuumadda, lacagtaas oo lagu sheegay in ay duuduub ahaan doonto.

– Iyo lacag boqolkiiba 10 ka ah dakhliga ay shirkadda dekedda lagu wareejinayaa soo saarto.

Dhinaca tacriifadda marka aynu eegnana, waxa uu heshiiskan horudhaca ahi shirkadda dekedda la wareegaysa xorriyad buuxda u siinayaa, dejinta qiimaha, wax-ka-beddelka, lacag ku soo rogista, ururinta iyo dib u kabista tacriifadda la xidhiidha isticmaalka dadka dekedda isticmaalaya iyo bixinta adeegyada, oo la waafajin doono shuruudda faqraddan ku cad. Shirkadda dekedda la wareegtayna waxaa laga rabaa in ay faafiso tacriifadda ay ka qaadayso adeegyada dekedda oo dhan. Shirkaddu waxa ay tacriifaddaas ay faafisay kordhin kartaa sannadkii laba jeer, oo ay kala tashanayso xukuumadda, isla markaana hubinayso in tacriifadda ay qaadaysaa ay noqoto mid ay kula tartami karto dekedaha dalalka deriska.

Sidoo kale shirkaddu waxa ay xor u ahaan doontaa in ay ururiso dhammaan tacriifadaha laga qaadayo dadka isticmaalaya dekedda, ama iyadu toos ha u qaadato ama cid kale oo u ururisa ha u sii igmato, dawladda ayaana bixinaysa wixii ogolaanshiyo looga maarmi waayo hawshan.

Mustaqbalka shaqaalaha dekedda:

Heshiiska horudhaca ah ee wareejinta maamulka iyo shaqada dekedda Berbera waxa kale oo uu ka hadlay mustaqbalka shaqaalaha hadda ka hawlgala dekedda oo ka mid ah arrimaha ugu xasaasisan, waxa aanu xusay laba qodob oo ah; in laga bilaabo maalinta shirkadda lagu wareejiyo dekedda ay shaqaalaysiiso shaqaalaha hadda ka shaqeeya dekedda, ee ay shirkaddu u aragto in ay ku habboon yihiin xilalka iyo boosaska ku habboon/ waafaqaya heshiiskan cusub maaliyad ahaan. Iyada oo shirkaddu arrintaas aragti macquul ah ku caddaynayso. Sidoo kale shaqaale lagu tilmaamay gaar balse aan la sii faahfaahin ayaa iyaga shaqaalaysiintooda lagu wareejinayaa xukuumadda Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa shirkadda lagu wareejinayo dekedda Berbera ka u magdhowaysa wixii sheegasho iyo xuquuq ah ee ay shaqaalaha dekeddu sheeganayaan heshiiska wareejinta ka hor.

Xigasho: Geeska.net