Tagaasidii Qoryuhu Saarnaayeen ee Wasaaradda Arrimaha guduhu soo Bandhigtay oo ay wali Dadweynuhu Hadal hayaan

0
67

 

Waxa la isweydiinayaa cida leh gawaadhidaas oo Nambar shicib ahi ku dhagsan yahay

sawiHargeysa(Waaheen) dadweynaha Somaliland gaar ahaan kuwa caasimadda ku nool ee ka qayb qaatay xuskii 18-ka May ayaa wali hadal haya tagaasidii kala furmayey ee qoryuhu saarnaayeen, kuwaas oo uu ku xidhnaa nambar shicib ah, balse ay soo bandhigtay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, taasoo dhoolatus aan hore loogu arag xusaskii hore ku soo bandhigtay isla markaana salaam ku bixiyey Madaxweynaha markii ay hor marayeen.

Tagaasidan oo maalmihii ka horeeyey 18-ka May lagu arkayey iyagoo gaaf-wareegaya jidadka Hargeysa isla markaana uu hor kacayey wasiirka Arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancade ayaa isweydiintoodu soo kordhaysaa kadib markii si lama filaan ah mid ka mid ah wasiirka arrimaha gudaha oo ag fadhiyey madaxweyne Siilaanyo inta uu kacay ka dalbaday ciidankii saarnaa inay kala furaan isla markaana tusaan madaxda iyo martida xuska fadhiday qaabka uu u shaqaynayo gaadhigaasi.

Hase yeeshee dhacdadan ayaa la hadal hayaa inay ciidamadii kala duwanaa ee ilaalinayey jidku dareen ka qaateen, iyagoo ku baraarugay sida uu isku kala bixinayey gaadhiga iyo qorigii ka soo dhex mudh yidhi, kaasoo ay ku baraarugeen markii uu si cajiib ah u kala baxay.

Sidoo kale, Dadweynuhu waxay isweydiinayaan sababta tagaasidaasi aanay u lahayn nambarka ciidanka, iyadoo marar badan la maqlo gawaadhi nambarada laga furtay, kuwaas oo lagu wargeliyo Booliiska si aan loogu adeegsan falal kale oo amniga dhaawici kara.

Inkasta oo ay caado noqotay in gaadiidka Dawladda intooda badan ay masuuliyiintu ku xidhaan nambaro shicib ah, hadana arrintaasi waxay sababtay in gaadiid badan oo Dawladda ah lagu Lunsaday ama ay u gacan galaan dadkii ay ku qornaayeen, isla markaana ay wataan dad shicib ah ama qoysaska madaxda gawaadhidaas isticmaasha.

Si kasta ha ahaatee xukuumadda iyo wasaaradda arrimaha gudahaba waxa looga fadhiyaa inay dadweynaha ka qanciyaan gaadiidkaas inay wasaaradda arrimaha guduhu leedahay ama inay yihiin gaadiid dad shicib ahi leeyihiin.