Siyaasigga Cali-Guray Oo Sheegay In Wixii Halganka Hubaysan Loo Soo Gallay Aan Ilaa Hadda Laga Dhebayn.

0
62

dhulkeenaHargeysa(Waaheen) Rubuc qarni ka dib guushii Halgankii Hubaysnaa ee uu hogaaminayay ururkii SNM halkee ayuu marayaa maanta ka midho dhalintiisi oo ah sidii uu sheegay AHN eh Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Madaxwaynihii labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland markii lagu soo doortay Borame”waxaynu ka soo baxnay Jihaad Al asqar (dagaalkii qoriga) waxa hadda inoo bilaabmay Jihaad Al-akbar(qaran dhiska). Ugu dambaysta geedi-socodka qaran dhiska waxa miqyaas inoo ah nadaam dawladnimo oo ka duwan kii lagu burburiyay dagaalkii uu hogaaminayay ururkii SNM oo ah nadaam dimuqraadi ah oo ku dhisan cadaalad, nabad iyo horumar. Si kale hadii aynu u dhigno in nadaamkii dawlad xumada ee qabyaaladda, musuqmaasuqa, eexda iyo qaraabo kiilka ka guurno oo dawlad wanaag ku bedelo. Maanta bal qof kasta oo 25 guurada gooni isu taaga u dabaaldegayow adigu keligaa is waydii.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame,Hadrawi wuxu ku yidhi maansadiisa Gudgude

Ummad geeska loo tumay habeen, gocasho soo jeeddo

Haddii aan tashiga loo golayn, amase gaashaanka

Fallaadhiyo gabooyaha haddaan, godobta loo taaban

Iyadoo gudoodiya hadday, fadal garmaammayso

Hadba nabar gataatiya hadday, gebi dhac tuuryayso

Galladdeeda oo dhow hadday, gaadhi kari weydo

Inta gudashadeed tahay hadday, geysan kari weydo

Iyadoon garaysnayn haddii, gacantu ay daasho,

Gamaarshaa ku dhaca amase way, gabax tidhaahdaaye

Gabbashay liqdaa amase way, gamashi luuddaaye

Way kala guddaa amase way, kala go’doontaaye

Ways gawdhisaa amase way, feedha gurantaaye

Guushay nacdaa amase way, gubasho oydaaye.

Inkastoo guddoonkii burburay, loo gudcura joogey

Inkastoo go’aankii dulliga, geesinnimo diiddey

Inkastoo geyigu waa xormee, gaadhka lagu meershey

Inkastuu gaggaabkii cuslaa, garangar duul duulay

Xaajada god-raaca leh haddii, loo gabbala eego

Sida ay u kala geysan tahay, way gun dheertahaye

Kol haddaan garaad lagala hadhin, galabba sheeggeeda

Inta maanku gaajeysan-yahay, guuli waa weliye.