Gabadh ka Mid ahayd Rakaabkii sarnaa Diyaradii Masar ee Dhacday oo Arrin Mucjiso ah sii Saadalisay

0
57

BADHHargeysa(Waaheen) Baraha Bulshadu ku kulanto ee la yidhaahado Facebook ayaa waxa aad looga hadal hayey Gabadh la sheegay in ay ka mid ahayd Dadkii ku dhintay Diyaaradii laga lahaa Waddanka Masar ee ka soo duushay Waddanka Faransiiska, inkasta oo aan la ahayd dadkaasi   Raq iyo ruux basle waxa la filaaya  in ay dhammaantood wada dhinteen.

Gabadhaasi  oo la yidhaahdo Samar Ezz Eldin ayaa aad loo hadal hayey Sawir ay leedahay oo ay isku dhex sawirtay iyada oo Bad ku dhex dhacdaysa isla markana Shandadeedii iyada oo jiidanaysa badda ka soo baxaysa sida sawirka ka muuqda.

Sawirkan ayaa aad looga dooday iyada oo dadka qaar sheegen in gabadhani hore u saadashatay in diyaaradi la dhicidoonto isla markana bada ku dhicidoonto, inkasta oo aan qoraal Alle cidi la ogeyn ayaa hadan dadku waxay aad uga doodeen Sawirkasi oo ay sannadkii 2014 ay gashay, balse dhawr jeer oo kale soo celisay.

Samar Ezz Eldin waxay ka baxday jaamacad ku taalada dalka Masar da’deedana wax alagu sheegay 27 Sanno waxanay ka mid ahayd 66 Qof ee sarnaa Diyaaradaasi.