Dhakhaatiirta Somaliland oo Xarumo waaweyn oo Caafimaad ka sameeyey Dhaqaalihii ay Rubuc qarniga Xoog-sadeen

0
54

Gar-gaar Hospital oo horumarka dhakhaatiirta Bud-dhig u ahaa

drHargeysa(Waaheen) Dhakhaatiirta Somaliland ayaa Horumar balaadhan ka sameeyey Rubuc qarnigii ay Somaliland jirtay adeegyadda Caafimaadka, waxaanay Seeska u dhigeen xarumo caafimaad oo soo jiitay indhaha bulshada, kuwaas oo qaarkood-na ay hawl-galeen, qaarkood-na dhamaystir ku dhaw yihiin. Dhakhaatiirta Somaliland oo xiligii Hal-gankii qalab la’aan ku soo shaqeeyey ayaa bilowgii Somaliland-ba la jaan-qaaday sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen adeegyadii ay bulshada u hayn jireen ee nolosha caadiga ah, hadana mar walba waxa xadidayey duruuftii ay Somaliland la kowsatay. Dhakhaatiirta Somaliland mar-na kamay caajisin inay doorkoodaas muujiyaan maadaama duruuftii ka adkayd ee ay a soo gudbeen ka heleen waayo aragnimo aan niyad jabin Karin, waxaanay siyaabo kala duwan xirafadoodii ugu dabiibeen kuwo dhaqaale ahaan meel kale u raadsan lahaa adeega ay uga baahdaan ee caafimaad, sidoo kale-na waxay wehel u ahaayeen kuwa ugu badan ee jeebkoodu madhnaa oo ay ku dabari jireen inta ay ka helaan kuwa kale. Qalab la’aantii, dhaqaale xumadii iyo baahiyihii kala duwanaa ee la soo darsay waxay kaga baxeen dhabar adayg iyo samir, iyagoo sanadba sanadka kadnbeeyey kobcayey, waxaanay aakhirkii Hindiseen inay ka baxaan xaaladaas, iyadoo uu furre u noqday khilaaf ka dhashay maamuladii kala danbeeyey ee soo maray wasaaradda Caafimaadka oo ay maamul ahaan hoos imanayeen isla markaana adeegyada ay fulin jireen ay kaga hawl-gali jireen Cisbitaalka Hargeysa. Waayahaasi waxa uu baray inay isku tashadaan kadib markii laga hor istaagay shaqooyinkoodii gaarka ay ugu fulin jireen meheradihii yar yaraa ee ay ku tiirsanaayeen marka ay ka rawaxaan xarumaha Dawladda oo aanay oolin qalab ay kaga maarmaan dibna ay ugu soo noqon jireen qalabkii yaalay Cisbitaalka, kuwaas oo ay xaq u lahaayeen marka dib loo jaleeco waayihii ay kala soo dabaasheen Somaliland xilligii Halgankii. Cisbitaalka Gar-gaar baa noqday xaruntii ugu horaysay ee ay ku shuraakoobaan koox ka mid ah dhakhaatiirtii laga hor istaagay inay shaqooyinkooda gaarka ah ku fushadaan qalabkii cisbitaalka yaalay, waxaanu go’aankaasi noqday mid midho-dhalay, kadib markii uu fuliyey adeegyo loo baahnaa, isla markaana dhakhaatiirtii ka hawl-galaysay ay sameeyeen dedaal dheeraad ah. Dhakhaatiirtii kale ee aan shirkadaas fursada u heli waxay ku eekaadeen goobahoodii gaarka ah iyagoo kali kali ah, hase yeeshee taas lafteedu waxay keentay inay la tartamaan kuwa shirkadaha samaystay, waxaana soo baxaya in ay hindiseen inay kaalintooda buuxiyaan. Cisbitaalo waaweyn oo dabaqyo ah dhaqaale weynina ku baxay ayaa daafaha caasimadda Somaliland ka mudh-yidhi, iyadoo dhakhtar kastaa Rubuc qarnigay Somaliland jirtay wixii uu kaydiyey kuala tartamay ganacsatada kale ee Bariiska iyo Sonkorta keena sarahooda oo kale, balse ka manaafacaad bada marka loo eego xirfadda Caafimaad oo haddii ay ganacsatadaasi gali lahayd ay ka heli lahaayeen dhaqaale ka badan ka ay gadbada ka helaan. Manta dhakhaatiirta Somaliland waxay u dabaal degayaan shan iyo labaatan sano kadib inay muujiyeen kaalintii ay ku lahaayeen bulshad isla markaana kobciyeen xirfadii ay qaybta u heleen, wallow aanay wali meelaha qaarkood awood u yeelan adeegyadda dunida horumartay, inkasta oo ay gaadhi doonaan haddii ay sii xoojiyaan Yoolkooda, isla markaana y soo saari doonaan dhaqaalaha dadweynuhu duinda kale kusoo isticmaalaan si ay u helaan adeeg caafimaad.