AET oo Soo Gabogabaysay Kulan lagu lafogurayey Qorshaha shanta sanno ee soo socda Waxbarashada Somaliland

0
233

aetHargeysa (Waaheen)  Hay’adda AET ayaa shalay soo gabogabaysay kulan saddex maalmood maansoor hoteel uga socday hawl-wadeenno ka tirsan wasaarada waxbarashada Somaliland.  Kulankaasi oo lagu lafo gureyey qorshaha shanta sanno ee dhamaaday ee waxbarashadda iyo shanta sanno ee soo socda, kaasi oo ay ka soo qaybgalleen in ka badan konton xubnood oo iskugu jira masuuliyiin iyo shaqaalle ka tirsan bahda wasaaradda waxbarashadda.  Waxa kale oo ka soo qaybgalay qaar ka mid ah hay’adaha xidhiidhka la leh wasaaradda waxbarashadda.  Kulankan oo lagu soo gabogabeeyey hoteel maansoor, ayaa ugu horeyn waxa hadal kooban ka jeediyey Axmed Macalin  oo ka mid ah madaxda hay’adad AET, kaasi oo ka xog waramay saddexdii cisho ee kulankani socday in lagu daraasadeeyey qorshaha shanta sanno ee soo socda ee waxbarashadda Somaliland, isla markaana lagu lafo gurey shantii sanno ee dhamaaday waxyaalihii qabsoomay iyo waxyaalaha aan qabsoomin iyo arrimaha loo baahan yahay in la qabto.Waxaanu amaan usoo jeediyey hawl-wadeenadii ka qaybgalay oo uu sheegay inay dadaal muujiyeen. Agaasimaha Hay’ada EAT Xasan Axmed Ibraahin  Ambasi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “maanta aad baan u faraxsanahay si weyn ayaan ugu farxay kulankan maadaama oo bahdii waxbarashada ay halkan iskugu timid, iyo hay’adihii ka caawinayey waxbarashadda oo lagu lafo gurey qorsheyaasha waxbarasahdda Somaliland sidii loo tayeyn lahaa. Anagu ka hay’ad ahaan marka wasaaraddu la timaado qorshahaaasi waxaanu ku qasbanahay oo waajib nagu ah inaanu caalamka uga doonno dhaqaalihii lagu socod siinayey tayeynta waxbarashadda Somaliland”. Xasan waxa uu aad ugu amaanay xubnaha bahda waxbarashadda ee mudadda sadexda cisho falanqeynayey tayeynta waxbarashadda Somaliland iyo caqabadahajira iyo sidii looga gudbi lahaa ee loo gaadhi lahaa dariiqa waxbarasho ee mugleh.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Cabdilaahi Ibraahim Habanne oo soo gunaanaday hadaladii halkaasi laga jeediyey ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay tayeynta waxbarashada Somaliland oo laga gudbi lahaa caqabadaha iyo waxyaalaha dib u dhaca u keena waxbarashadda, waxaanu sheegay in kulankani hor dhac u yahay horumarinta waxbarashadda mustaqbalka, waxaanu aad ugu dheeraaday kulankani mudadii uu socday inay muujiyeen hawlwadeenadii kulanku dadaal iyo doodo lagu falanqaynayo waxyaabaha ka dhiman waxbarashadda, waxyaabaha qabsoomay iyo waxyaabaha loo baayah eel agama marmaanka ah in la qabto. Waxaa isna halkaasi ka hadlay agaasimaha guud ee waxbarashadda Abiib Axmed Cali iyo xubno ka socday hay’adaha. Kulan ayaa waxa soo qabanqaabiyey hay’adda AET ayna maalgalisay UNICEF.