Kaadhka qaadoo is diiwaangeli

0
106

 

Muwaadin  qaado Kaadhka Isdiiwaangalinta

Tan iyo maalintii aynu  wadankeenii  hooyo dib u qabsanay waxaynu wada ognahay in Jamhuriyada   Soomliland ay kasoo gudbaysay xaalado doorosho oo kala duwan soo siyaalekala duwan u dhacayay. Doorkan waxaynu nasiib u helnay inaaynu doorashada madaxtooyada  iyo baarlamanka  ee soosocota  aynu ku galno qalab casriya oo kharash badan kubaxay oo muwaadin kastaa uu qadanayo kaadh aqoonsi oo uuhadhawna ku codaynayo.

Somalialnd  waxay ku horumartay oo lagu bartay geedisocodka  demoqradiyada  oo ay ugu horayso xoriyad uuqofkastaa u helayo inuu gacnatiisa ku doorto qofkuu doonayotaasoo isdiiwaanagalintan socotaana  inoo sii fududaynayso doorashooyika soo socda,  taasina waxay ku xidhan tahay ookaliya siday reer Soomaaliland iskudiiwaangaliyaan.Isdiiwaangalintani waxay inaga caawinaysaa tirada umada kudhaqan Somaliland (Somaliland Population) oo caalamkumarwalba hoos inoo dhigaan.

Hadaba muwaadinkasta waa inuu qaato kaadhka isdiiwaangalinta yadoo kaadka idiiwan galintu uu yahay aqoonsigaagi aad kaga soocnayd qofka kale ee muwaadinka ahayn. Sidookale doorashada soo socota waxa codayn  karaya qofka kaliyaee  ee isdiiwaangaliyay ee ka fiidaysatay jaaniskan qaaliga ah,  hadii  kale waxa isku mid noqonaya  qofka ajaaninbka ah iyoqofka muwaadinka ah ee aan codayn Karin.

Hadaba  hadayna dadwanuhu qaadan kaadhkaisdiiwaangalinta  imika oo aanay ka faa’iidaysan jaaniskanqaaliga ah ee laguu diyaariyay qalabkii iyo shaqaalahii waxaad ku wayi karaysaa wax aad xaq u lahayd oo ah inaadna codayn karayn oo  bari markay timaato waqtigadoorashada madaxtooyada iyo baarlamanka aad codayn kariwaydid.

Somaliland Allow Dhowr

Ciid Calisalan Axmed

Cardiff, United Kingdom