Dhibaato dhaqaale Xumo oo soo foodsaartay Venezuela

0
110

Iyadoo uu dalkiisa wajahayo xaalad dhaqaale oo aad u adag, ayaa madaxweynaha Venezuela waxa uu ku hanjabay inuu la wareegayo warshadaha joojiya wax soo saarka.

Madaxweyne Nicolas Maduro oo khudbad u jeediyay taageerayaashiisa, ayaa ku eedeeyay milkiilayaasha warshadaha in ay curyaaminayaan dhaqaalaha dalka, ayna xarig mudan yihiin.

Balse ganacsatada badankood ayaa sheegaya in aanay haysan lacagaha qalaad ee ay u baahan yihiin in ay alaabaha dibedda uga soo iibsadaan.

Dhanka kale, taageerayaasha mucaaradka ayaa caasimadda Caracas ka sameeyay dib baxyo, waxaana ay ku baaqayaan in madaxweyne Maduro xilka laga qaado.

Jimcihii lasoo dhaafay, Mr Maduro ayaa dalka kusoo rogay xaalad degdeg ah sii ula dagaallamo waxa uu ku tilmaamay gardarada dibedda uga timid oo uu ku eedeeyay mushaakilka haysta Venezuela.

Waxa uu ciidamo badan geeyay soohdinta uu dalkiisa la wadaago Colombia, ka dib markii uu hogaamiyihii hore ee dalkaasi Alvaro Uribe, ku baaqay in la difaaco mucaaradka Venezuela.