Maareeyaha Dekedda Berbera iyo wasiiru-dawlaha Duulista Hawada oo isku qabsaday Tahdiid Madaarka Berbera loogu gaystay Amiirka Kuwait ee degan magaaladda Sheekh

0
82

Berbera(Waaheen) khilaaf ayaa lagu soo waramayaa in uu dhex maray Mareeyaha Dekedda Berbera Eng: Cali Xoor Xoor iyo wasiiru-dawlaha wasaaradda Duulista Hawada, kadib markii sida wararka hordhaca ah ay sheegayaan in toddobaadkan Wasiiru-dawluhu amaro caqabad ku ah Amiirka Kuwait ee degan Sheekh ku soo rogay isagoo ka dhoofaya Madaarka Berbera.

Dhacdadan ayaa timi mar uu wasiiru-dawluhu madaarka Berbera u tagay Amiirka si uu ula macaamilo, maadaama wasiiru-dawluhu ku cusub yahay wasaaradda, hase yeeshee Amiirka leh dhaxalka Kuwait ee degan Sheekh oo aan aqoon dheeraad ah u lahayn ayaa la sheegay in uu iska dhaafay, taasina waxay sababtay wasiiru-dawluhu in uu ciidamadda Amaanka iyo shaqaalaha amro inay fatashaan alaabihiisa iyo isagaba, arrintaas oo noqotay hab-dhaqan aanu Amiirku hore u arag.

Inkasta oo aan war cad ka soo bixin arrintan hadana ilo wareedyada warkan laga helay waxa ay sheegayaan in Amiirku cabasho ak dhan ah wasiiru-dawlaha u gudbiyey Eng: Cali Xoor xoor, kaasoo wasiiru-dawlaha ku qabsaday falka uu kula kacay Amiirka.

Ma cada ujeedada rasmiga ah ee keenay in wasiiru-dawluhu bixiyo amarkan, maadaama madaarka Berbera aan la isticmaalin, isla markaana uu Amiirku si gaar ah u isticmaalo, isla markaana ay Dawladiisu dhismaha Madaaradda Hargeysa iyo Berbera ku Maal-galisay lacag gaadhaysa 15 Milyan oo Doolar.

Wararka laga helayo arrintan ayaa sheegaya in Eng: Cali Xoor Xoor Dacwadd ka dhan ah Wasiiru-dawlaha uu u gudbiyey xukuumadda hase yeeshee ma jirto wax go’aan ah oo ka soo baxay oo tilmaamay qaladka  cida leh.

Dhaxal sugaha Amiirka Kuwait ayaa degan Somaliland, gaar ahaan Degmadda Sheekh, halkaas oo uu ka dhistay Qasri weyn.