Madaxweynaha Somaliland oo si diiran loogu soo dhaweeyey Imaaraadka

0
74

DAY 1_002Waxa Madaxweynaha halkaasi ku soo dhaweeyey madax sar sare oo ka socda isu-tagga imaaraadka carabta kuwaas oo madaxweynaha ku sugaayey garoonka diyaaradaha markii uu soo degay madaxweynuhuna waxa loo gelbiyey goobtii loogu talogalay inuu ku soo dego, waxa iyaguna madaxweynaha soo dhaweeyey Masuuliyiintii halkaa hore ugu sugnayd ee ka socday Jamhuuriyada Somaliland oo kala ahaa Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Mudane Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe), Wasiirka Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Maareeyaha Dekeda Berbera Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Xoor-xoor) iyo Protocol ku xigeenka Madaxtooyada Caydaruus Mahdi Xaashi.