Madaxweynaha Somaliland oo Dalka Jabuuti Kulan kula yeeshay Madaxweynihii Hore ee Somaliya Sheekh Shariif oo la Filayo in uu ka soo Qaybgalo Xuska 18 May

0
123

Sheekh Shariif ayaa u sharaxan Doorashada sannadkan ee  Somaliya, waxaanu ahaa Madaxweynihii bilaabay wadahadalada  labada Dal

siilaanyo iyo sheekh shariif Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Waddanka Jabuuti kula Kulmay Madaxweynihii hore ee Somaliya Shariif Sheekh Axmed kulankaasi oo ka dhacay Hotel Kambiski oo uu Degenaa madaxweynaha Somaliland iyo waftigiisi ee ka  qaybgalay Caleemo saarka Madaxweyne Geelle. Sheekh Shariif ayaa ahaa Madaxweynihii Bilaabay Wadahadalada Somaliland iyo Somaliya u socda, waxana la sheegaa in wakhtigaasi uu daacad ka ah wadahadalad isla markana uu doonayey madama oo Muddo badan Somaliland iyo Somaliya ay iska laaladeen in dhinac uun ay u kala dhacan. Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa kulankan uu la yeeshay madaxweyne Siilaanyo  lagu macnayn  karaa madama oo uu u sharaxan  yahay Mar labad in uu Somaliya Madaxweyne ka noqdo in uu Somaliland xidhiidh fiican la siisameyo. Dhanka kale Warar Xogogaal ah ayaa sheegaya in Sheekh Shariif lagu casuumay Dabaaldega xuska 18 May ee Sannadkan 2016, waana markii ugu horeysay ee nin madaxweyne ka noqda Somaliya lagu casumo Somaliland.