Xildhibaan Xasan Cawaale oo koox wasiiro ah ku eedeeyey inay ka soo yaaceen Garoonka ay dhagax dhigi lahaayeen

0
126

“Wasiiradii halkan ka yaacay waxan leeyahay uma qalantaan inaad wasiirro ahaataan” Xasan Cawaale

DoolHargeysa(Waaheen) Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo shalay ka qayb galay xaflad la doonayey in lagu dhagax dhigo garoon kubadeed oo dhismihiisa la doonayey in laga hirgaliyo Degmadda 26-ka Juun ayaa ku eedeeyey wasiiro xafladaas ka soo yaacay inay ku kaceen fal aad u fool xun. Xildhibaan Xasan waxa uu sheegay in koox wasiiro iyo ku-xigeeno isugu jirtay oo ay dhalinyaradu usoo casuuntay inay u dhagax dhigaan Garoon weyn oo la yidhaa Shulac inay ka soo dareereen madashii iyagoo aan sheegin wax sabab ah. “ Wasiiro iyo Wasiir ku-xigeeno dhawr ah ayaan goobta ku kulanay, waxaana lanoogu yeedhay dhagax dhiga Garoon ay doonayeen inay ka hirgaliyaan xaafada 26-ka Juun, sidii aanu u fadhinay ayaan weynay wasiiraddii, oo mar kaliya ka wada dareeray xafladii” ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Cawaale.

Xildhibaan Xasan Cawaale oo warbaahinta la hadlay ayaa intaa ku daray in uu la yaaban yahay sababta ay wasiiraddu u dareereen “ waxaan u arkaa qalad weyn inay wasiiraddu galeen, waayo dhalinyaradu waxay usoo casuuntay inay wax u qabtaan, markaa waxaan kala garan la’ahay ma waxay doonayaan inay dhalinyaradu Tahriibo maxay ugu dhagax dhigi waayeen Garoonka” Xildhibaanku waxa uu Wasiiradda usoo jeediyey inay masuuliyadooda ahayd inay dhalinyarada taageeraan, halka ay ka soo yaaceen.

Sidoo kale waxa iyaguna munaasibaddaas ka hadlay qaar kamid ah qoyska reer Shulaac oo iyagu dhulka garoonkan laga dhisi doono ku deeqay, waxana ay ay caddeeyeen inay  si rasmi ah ugu hibeeyeen dhulkaas da’yarta soo kacaysa, waxana ay xukuumadda iyo dadka kale ee hantida lehba ugu baaqeen inay ka qayb qaataan dhismihiisa.

Eng. Nimcaan Cabdi Cali oo kamid ah dhallinyarada dhulka garoonkaas gacanta ku haysa, isla-markaana isku hawlay sidii dhismihiisa loo hirgelin lahaa, ayaa halkaas ka hadlay, waxana uu u mahadnaqay cidkasta oo dhulkaas gacan ka geysatay, “Aada bay u mahadsan yihiin dadka dhulkan ku deeqay, sida runta ahna muddo dheer buu soo jiitamayey oo aanu kasoo wada shaqaynaynay dawladda Hoose iyo wasaaradda Maaliyaddu, waxana halkii tahriibta lagu yarayn lahaa.”ayuu yidhi nimcaan Cabdi Cali.

Eng. Nimcaan oo hadalkiisa sii wata, ayaa si weyn u dhaliilay xubno wasiirro ah oo ka muquurtay inay dhallinyarada u dhagax dhigaan garoonkaas, waxana uu taas ku tilmaamay arrin ayaandarro ah,“Waxa nasiib darro ah in maanta wasiirro uu kamid yahay wasiirku ciyaaruhu uu halkaas nagaga dhaqaaqo isagoo aan garoonkii noo dhagax dhigin, waxana aanu ayaandarro u aragnaa in dad badan oo dawladda katirsani inay horumarka diyaar u ahayn oo aanay wakhtigoodii huraynin, dhallinyarada halkan joogtaana in wax loo qabtay u baahan yihiin.”ayuu yidhi Nimcaan.

 

Sidoo kale waxa iyaguna munaasibaddaas ka hadlay qaar kamid ah qoyska reer Shulaac oo iyagu dhulka garoonkan laga dhisi doono ku deeqay, waxana ay ay caddeeyeen inay  si rasmi ah ugu hibeeyeen dhulkaas da’yarta soo kacaysa, waxana ay xukuumadda iyo dadka kale ee hantida lehba ugu baaqeen inay ka qayb qaataan dhismihiisa.