Buuhoodle: Jaadlayaa Isku Dilay Keenista Jaadka Miiroo-ga

0
207

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo dhex martay labada dhinac

ssc-grp Buuhoodle(Waaheen) Magaalada buuhodle ayaa iska hor imaad dagaal ahi uu ku dhex maray laba kooxood oo kala taageersan ganacsatada jaadka keenta magaalada buuhoodle oo maalmihii u danbeyey khilaaf xoogani dhex yaalay. Waxaan iska hor imaadkan dhex maray labada kooxod uu sababay khasaaraha dhimashada hal qof halka mid kalena ku dhaawacmay. Cabdikarim Axmed Ismaaciil oo ku nool magaalada buuhoodle oo aan la xidhiidhnay ayaa noo sheegay in ganacsatadani isku maan dhaafeen keenisga jaadka loo yaqaano miirooga oo isagu kasoo gala dhanka magaalada laascaanood. Wali ma jiraan warar rasmi ah oo kasoo baxaya khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalkaa dhex maray labada kooxood ee kala taageersan ganacsatada keenta jaadka.