Gabaygan waxaa hal-abuuray Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile waxaanu ugu ducaynayaa Sheekh khaliif xasan gudaal oo ka mid ahaa odayada ugu waaweyn golaha guurtida Somaliland, laguna aasay Magaaladda Hargeisa taariikhda: 15/04/16 Maalin jimce.
Gabay: Oday guurti
Wuxuu yidhi sidan:
Warka jaamacow goor jimca ah, gacallow ii sheegtay
Sheekh khaliif gudaal geeridani, waa gob qaran waaye
Geed damala oday guurtiyoo, golaha dooyaysta
Garta aan la furi jirin ilaa, goobta soo gaadho
Iyo nabad gondaalkuu u siday, godobta diidaayey
Geeridu xaq weeyoo nafluhu, wuu god gelayaaye
Guud caddaaga naga baxay ardaa, galangal weeyaane.
Gobonnimo nin door weyn geshaday, mahadhadii guusha
Safeeriya gumeystuhu xilligi, xayle gacan siiyey
Gadhwadeen waftigi wuxu ahaa, gaadhki loo diraye.
Taariikh wixii laga guntaan, laga geyoonayne
Sifo geesinnimo uu lahaa, gibin haddaan sheego
Soomaali geyigay degtaba, ruux la garanaayey
Galbeed iyo baraa laga yaqiin, geesigaa baxaye
Guri ba’ay colaadaha kolkay, gees walba u yaacday
Ma gabane gantaalkiyo dhulkoo, wada gariiraaya
Ama caddawgi laga giigay oo, geeddi laga yaacay
Raggii foran u soo guuray ee, tallo gorfeynaayey
Garabkii siyaasiga raggii, kala garsiinaayey
Ee guuro bahaleynayee, goosan ka ilaashay
Gasiinka iyo saadkii markii, gaw la soo gaadhay
Dhaqaalaha gurraayeen intuu, gelelef meeraayey
Raggii lagu gardaadshuu ahaa, guurti cadaroosh ‘e
Tallo guurtinnimo uu u go’ay, gibin haddaan sheego
Nabad waa gondaal caano oo, ruux la’ baa garane
Godobtiyo sokeeyaha markii, guddo la soo gaadhay
Raggii gogosha nabadda u dhigee, gacal walaaleeyey
Sheekh muuse goodaad raggii, garab dhigii joogay
Iyo xaajigaa ugu gu’weyn, geesi lagu diirsan
Iyo sheekhi guudka u fadhiyey, madar go’aankiisi
Iyo siddeetan geesiyo kaloo, gabay ku koobaynin
Taariikh midhani aan go’ay, gebi ahaan teeda
Maxaa buug war kuu gelay illaah, kugu gargaarsiiye.
Saddex uu illaahay galladay, gibin haddaan sheego
Gaban yari wuxuu herer ku tegay, gudasho diimeede
Guweyn iyo cimriga eebahii, gaadhshay mahadiisa
Wacdi gaar cibaadiyo salaad, goorkasta u jooge.
Hal kaloo u guud maray nin nool, gibin haddaan sheego
Waxaan nahay dad ruuxooda garan, jeera uu go’a e
Ama guda abaal uu lahaa, goor danbiyo xaale
Hayeeshee qofkii khayr gutaa, gurran macaankiiye.
Saddex guulle aan uga baryana, gibin haddaan sheego
Illaahay godkoo waasaciyo, gurigu kuu nuure
Gelbiskii qaraabiyo ergadi, guudka kaa joogtay
Illaahay gargaarkii ducada, gacan ku sii deeqe
Oo gogol fardowsiyo jannada, guulle ku casuume.
Aamiin, Aamiin
Sharaxa erayada gabayga ku jira:
Dooyaysi = Hab adigoo fadhiya dhabarka ilaa jilbaha go, ku xidho.
Gondaal= weel caanaha lagu shubto
Galangal=Gelengel= meel cidlo ah, meel bannaan
Safeeriya= Magac hore dhulka soomaalidu degto ee itoobiya
Gadhwadeen,= hogaamiye, horseed
Gibin= In yar, wax yar, waxoogaa yar, qadar yar
Giigay= laga baqay, laga joogsaday, lagu dhici waayey.
Foran=furin= Jiida hore ee dagaalku ka socdo, meesha ciidanku joogo
Cadaroosh= tuuladii lagu aasaasay guurtida Somaliland oo ku taal degaanka Hargeisa una dhaw xuduuda xigta dalka itoobiya.
Gasiinka, = raashin, wax lacuno, wax la quuto, wax afka la galiyo
Gaw= meel madhan, wax marka uu madho sida biyaha iyo cuntada
Gelelef= raarid meelkasta cagta la mariyo, wax doondoonid, baadhid
Gaban= Inan yar, wiil yar
Jeera= ilaa ,ilaa la helo
Guulle= Illaahay magaciisa ka guulaysta
Saadka= Qalabka iyo sahayda ciidanku ku dagaalgalo.