Gudida Anshaxa Komishanka Doorashooyinka Oo Fariin Digniin Ah U Diray Saddexda Xisbi Qaran

0
74

Hargeysa(Waaheen) Gudida Anshax Doorashooyinka ayaa Xisbiyada Somaliland uga digay in ay Diwaangalinta Codbixiyaasha uga faa’iideystan olole isla markana wax kale oo ay Mabnuucen Murashaxiinta ku dhawaaqay in ay u sharaxan yihiin Doorashooyinka  Barlamaanka ee Boodhadhka ku dhajiya wadooyinka waaweyn.

Gudida Anshaxu waxay sidaasi ku sheegen Shirjaraa’id oo ay ku qabtay Xarunta Komishanka Doorashooyinka Somaliland.

Xog-hayaha Gudida Ilaalinta Anshax Doorashooyinka Maxamud Cabdilaahi (Gaagaab)  Oo ugu horeyn ka hadlay Ujeedada Shirkooda Jaraa’id ayaa yidhi. “Wax Somaliland ku soo badanayey boodhadh ay ku xardhan yihiin dad sheeganaya in ay yihiin murashixiin Doorashada Golaha wakiilada ee inagu soo fool  leh, iyaga oo sheeganaya in ay yihiin Xisbi hebel  ama ay ka sharaxan yihiin, Anaga oo ah Gudida Ansharax arrintaasi waxay u muuqanaysaa Olole doorashada dhexdeeda, dadkaasi waxay Boodhadh waaweyn ku dhajinayaa Sharaxyada magalooyinka, hadaba arrintaasi waxay ka soo horjeeda Sharciga doorashooyinka lamana gaadhin wakhtigii gudida doorashooyinka qaranku u cayimi lahaa in xildhibaanado Olole galan “Ayuu yidhi.

Af-hayeenka Gudida Anshax Cabdiraxman Aadan Maxamed oo isaguna ka hadlay Shirkaasi jaraa’id ayaa waxa uu Xisbiyada Qaranka uga digay in ay Olole uga faa’ideystan Diwaangalinta Codbixiyasha waxanu Xusay in gudi ahaan ka digayaan in ay Xisbiyadu Olole ay ku dhex wadan Diwaangalinta.