BUUHOODLE: Ciidamo La Wareegay Amaanka Buuhoodle iyo Cali Khaliif oo Digniin Loo Diray

0
98

“Beesha Cali ka soo Jeedaa, hadday dad Islaam ah yihiin, waxaanu ka codsanaynaa inay wiilashooda iyo gaadiidkooda naga kaxaystaan” Buuhoodle (laascaanood.com):

Ciidamo ka soo Jeeda Deegaanka Buuhoodle ayaa shalay La wareegay guud ahaan Amaanka Buuhoodle waxayna Saraakiisha Ciidamadaasi Digniin culus u direen Masuuliyiinta Sare ee Maamulka Khaatumo, oo uu ugu horreeyo Prof. Cali Khaliif Galydh, kuwaasoo Lagu eedeeyey inay “Colaad Hurin” ka wadaan degaanka Buuhoodle. S

araakiisha wadata ciidanka Buuhoodle la wareegay ayaa warbaahinta u sheegay in ay iska tureen Heeryadii Cali Khaliif, iyagoo ku eedeeyey in uu baabi’iyey beesha Buuhoodle, isla markaana uu iska horkeenay dadka ka soo jeeda beelaha wada dega gobolka.

Saraakiisha reer Buuhoodle waxay ku Eedeeyeen Cali Khaliif in uu magaaladda keenay ciidan iyo Hub beeshiisu ay leedahay, taasina ay meesha ka saarayso xasiloonidii gobolka, waxaanay uga digeen haddii uu la bixi waayo in uu colaad horseedi doono. Magaaladda Buuhoode ayaa gashay xaalad qalafsan, waxaanay qarka u saaran tahay in uu ka dhaco dagaal Sokeeye, sida ay baahisay shabakada Laascaanood.com