Xukuumadda Siilaanyo Oo Ogolaatay Qorshaha Saami-Qaybsiga 4.5 Ee Doorashada Baarlamaanka Somaliya

0
113

SiilaanyoIstanbul (Waaheen):-  Warar iyo xoggo dheeraad ah oo Wargeyska Yool ka helay ujeedka lagu xidhiidhano inuu salka ku hayey kulankii ka dhacay Dalka Turkiga ee la iskugu keenay Somaliland iyo Soomaliya, ayaa tibaaxay in nuxurka kulanka foolka foolka ah ee labada dhinac uu ahaa mid Xukuumadda Somaliland lagaga ansixinaayey aqbalaada habka ama qorshaha Somaliland kaga qayb galeyso Doorashadda 2017-ka ee Somaliya.

Waxana Wararka amuurtan la xidhiidha intaa ku dareen in xubnaha waftiga Somaliland ka socday oo ka koobna laba Wasiir oo kala ah Wasiirka arrimaha Dibeda Md Sacad Cali Shire iyo Wasiirka Madaxtooyadda Md. Maxmauud Xaashi Cabdi, Safiirka Imaaradka u fadhiya Somaliland Md. Baashe Cawil iyo sidoo kale, saddex xubnood oo rayid ah, oo iyana kala ah Dr. Xuseen Bulxan, Maxamuud Cabdi Xaamud (Nayl), iyo xubin sadexaad oo ah qurba joog, balse kasoo jeedda Gobolka Awdal.

Waxa kaloo Wararka Wargeysku helay sheegen in markii labada dhinac kulanka isku wajaheen xubnaha waftiga Somaliland ka socday in laga saxeexay, isla markaana la ogoleysiiyey inay aqbalaan qorshihii loo dejiyey in lagu soo xulo Xildhibaanada golaha shacabka Soomaliya ku meteli doona Somaliland, marka la gaadho Doorashadda 2017-ka .

Dhinaca kale, wararka ka imanaaya dalka Turkiga ayaa sheegay in xubnaha waftiga Somaliland uga qaybgalay kulanka ay qaarkood xalay soo gaadhen dalka Itoobiya, halka sida la sheegayo qaarka badhna u safreen dalka Kanada.

Ma jiro War amuurtan ku saabsan oo kasoo baxay xukuumadda Somaliland, marka laga reebbo hadalka kooban oo kasoo yeedhay Wasiirku xigeenka arrimaha Dibeda ee Somaliland Md. Axmed Kayse

Xigasho Yool