Gudoomiyaasha Tulooyinka Hoos Yimada Degmada Widh-widh oo Beeniyey in Raashin loo Waday la Leexsaday

0
83

“Badhasaab ku-xigeenka Buhoodle waa Masuulkii noo yimid ee Baahidayada soo Gudbiyey, warka laga sheegayana waa Been” Maxamed Axmed Xassan

 

timthumb.php  Hargeysa(Waaheen) Gudoomiyaasha Tuulooyinka Hoos Taga Degmada Widh-widh Gobolka Buhoodle ayaa Beeniyey in raashin loo soo waday dadka deegankaasi la musuqmaasuqay waxanay tilmaameen in Raashinkaasi dadkii la siinayey ay Diwaangashan yihiin isla markana ay diyaariyeen Dadkii baahna ee loogu talo galay in la siiyo, waxaanay Masuuliyiin Xukumada ku jira ku eedeyen in raashinkaasi oo ku  soo socda ay Xidhan.

Gudoomiyaha Tuulada Goljano Maxamed Axmed Xassan oo Wargeyska Waaheen la soo xidhaadhay isaga oo ku sugan Tuuladaasi ayaa noo sheegay in iyaga oo Diyaariyey dadkii loogu tallo galay mucaawimadaasi ay maqleen in ciidka boolisku xidhen, waxanay tilmaameen in Falkaasi ay ka danbeyen masuuliyiin ka soo hor jeeda Horumarka uu deegankaasi uu ka sameyey Badhsaab ku-xigeenka gobolka Buhoodle Jaamac Dheeg Cartan waxanay tilmaameen in cidii baahidooda soo sheegtay isla marka deegankaasi ku booqatay uu ahaa Gudoomiey Ku-xigeenka, Waxaanay ka difaacen warar warbahaintu qortay oo sheegayey in Gudoomiye Ku-xigeenku leexsaday raashinkii loogu tallo galay dadkaasi.

Gudoomiyaha Tuulada Iskujiro oo isaguna khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Waaheen ayaa Tilmaamay in raashinkaasi dadkii loogu tallo galay ay diyaaren, waxanay been abuur ku tilmaamen wararka sheegaya in rashinkii mucaawimada ahaa ee loo waday lana siinayey in la Lunsado.