Somaliland oo Markii ugu Horeysay Dhiseysa Ciidanka ka Hortaga Tahriibka

0
82

mmmmmmmmmmmmmmmmmmmmHargeysa(Waaheen)  Xukuumada Somaliland ayaa waxaa ay markii ugu horeysay  shaacisey in  la dhisi doono ciidan u gaar ah isla markaana ka hor tagi doona dadka tahriibaya Waxaana sidaasi  laanta afka somaliga ee  idaacada BBC,da u sheegay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici  waxana uu yidhi. “Somaliland kamay gaabin wax ka qabashada Tahriibka arintaasina waa arin cid kasta ka yaaban tahay,   dadkan mukhalasiinta ah ee dhalinyarada tahriibinaya  talaabooyin badan ayaanu ka qaadney qaar badan waanu xidh xidhnay iminkana waxaa noo qorsheysan in ciidan u gaar ah oo dabo gala dadkaas dhalinyarada ka kaxeynaya magaalooyinkan ee magafayaasha ay soomalidu u bixiyeen in aanu u sameyno oo aanu kaga hor tagno in aanay hawlahaasi dib u dhicin” ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka Somaliland