“Umaddani Ciil, Murugo Iyo Maalmo Madow Oo Tiiraanyo Badan Waayi Mayso Ilaa Ay Hesho”Abdikariin Axmed Mooge

0
99

CaBDIKARIIM-AXMED-MOOGE-1(1)Hargeysa(Waaheen) Cabdikariin Axmed Mooge oo ka mid ah xubnaha ugu fir fircoon ee u ololeeya cidhibtirka qabyaalada ayaa ka hadlay  doontii ay dhalinyarada badan ee reer somaliland ku hoobteen ee ku degtay bada u dhaxaysa Masar Iyo Talyaaniga. Cabdikariin Axmed Mooge oo qoraal uu arintaasi kaga hadlayo so dhigay bogiisa Facebook ayaa waxa uu ku bilaabay sidan :- Yaa ilmada ka bi’in hooyo?  Waa maalin murugo iyo tiraanyo badan oo qaar inaga midi ay wayeen kuway aduunkan ugu jeclayeen, Somalilandna ay weyday dhalinyaro badan oo ah mustaqbalkii, waa geeri Somaliland oo dhan ku habsatay ilaahayna waxaan ka baryayaa in maalintan madow oo kale

anay inagu soo noqon!

Maalintan oo kale waa maalintii hooyada oyaysa ilmada ay gacantooda ka bi’in lahayeen kuwa sheegta madaxda qarankan (xukumad,golayaal iyo asxaab qaranba anoon kala reebahayn) lakiin waxa nasiib daro ah ilaa shalay in madax qarankeenu aynan arintan uga hadal si murugo-qaran ah iskaba daa in ay ilmo ka bi’iyaan hoyada oyayse!! maanta oo kale dunida kale madaxdeedu wey la oyaan oo la murugoodaan kuwa ay u taliyaan ee dhibtu sida gaar ah u tabatey!

Qofka ummadan madaxda u ah ama doonaya in u taliyo mustaqbalka ayay masuuliyada kowaad saarantahay in uu xal waaritaan leh u helo aafadan qaran ee tahriibta. Su’asha maanta hortaala kuwa talinaya waa KULMIYE, shan sano oo aad talada haysay maxaad ka qabatay tahriibta ee la taban karaa? Kuwa u hamuunta u qaba in ay bari ummadan u taliyaana waa WADANI iyo UCIDE waxa iyana hortaala waa maxay xallalka ka duwan kuwa Kulmiye isku dayday ee ay ummada u soo jeediyeen in aafadan qaran wax lagaga qabto ama kaga qaban doonan haday bari ku guulaystaan talada qarankan?

Ummadani ciil, murugo iyo maalmo madow oo tiraanyo badan waayi mayso ilaa ay hesho madax la dareen ah oo naftooda u hura in ay xaliyaan mushkiladaha haysta ummadan ee tahriibtu kow u tahay. Dhalinyaraduna tahriibta ku joojin mayso hadal iyo ka jooga ee waxa joojin kara oo qudha marka aynu halkan Somaliland uga abuuro fursado la mid ah kuwa ay Europe ugu tahribayaan.