Madaxweynaha Somaliya iyo Raysal wasaaraha Itoobiya oo Suuq Ganacsi u samaynaya Dalalka Barriga Afrika

0
53

 

Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa shalay kulan ay kaga hadleen iskaashiga labada dal ku yeeshay magaalada Bahir-Dar ee dalka Itoobiya.

Hoggaamiyeyaashan ayaa dhinacyada siyaasadda iyo Ammaanka ka sokow waxay ka wada-hadleen iskaashi dhaqaale oo dhinacyo badan oo dhexmara labada waddan.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baaqay in labada waddan ay sameystaan guddi iskaashi oo heer wasiir ah, iyadoo Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Desalegn uu soo dhaweeyay fikirkaas.

Itoobiya iyo Somalia ayaa waxay ka wada-shaqeyn doonaan horumarinta Barnaamijyo ay ka mid yihiin shaqo abuurka, maal-gashiga, beeraha, Tiknoloojiyadda iyo Arrimaha bulshada.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, ayaa waxay kaloo ka wada-hadleen Suuro-galnimada in Dalalka Geeska Afrika ee kala ah; Somalia, Itoobiya, Jabuuti iyo Suudaan ay Sameystaan Suuq ganacsi oo ka shaqeeya kobcinta dhaqaalaha