Balanqaadkii Kulmiye iyo Baaba,a Dhalinyarada Somaliland

0
55

Joco Xukumada uu gadhwadeenka kayahay Madax-wayne  Axmada Maxamad Maxamuud (Siilaanyo) waxay xukumadii ka horaysay ee uu madax-waynaha ka ahaa Daahir Rayaale Kaahin,ay ku ee daynjireen, lunsiga hantida qaran ,tahriibta  dhalinyarada  ku qulqulaya  wadamada reer galbeedka,in aytahay shaqola,aanta baahsan ee kajirta dalka waxaanay tartankii ololaha doorashada  kulagaleen  inay  baajindoonaa tahriibta dhalinyarada naafeeyay hadii  ay ku guulaystaan  madaxtinimada dalka.

Madax wayne siilaayo waxaa si hagarla,aan hodkooda ugu soosaaray dhalinyarada manta badaha ku hoobanayaa, ku waasi oo ka waayay balanqaadkii uu ubalanqaaday ee ahaa inuu dalka ka furidoono mashaariic shaqo abuuris ah.

Madax wayne siilaayo waxa uu magacaabay xafiis shaqo abuura oo mala awaala markii uu ku guulaystay xilka madaxtinimada dalka  waxaana uu masuul ugadhigay shan wasiir oo katirsan xukumadiisa,xafiiskaa  uu furay madaxwaynuhu ee uu waliba xadhiga kajaray waxa uu coleeyay wiil iyo aabihii taas badalkeedu waxay noqotay inay markii ay waxba kasoo naasacadaan waayeen, ay dhalinyarbadani dalka ka haajiraan,waalid badana goblamaan.

Qorshala,aanta xukumda Madax-wayne siilaayo waataa ubixii dalku badaha ku halaagmeen waalid badana goblankadhibtay,baroorta iyo oohinta ka jirta manta Somaliland waa mid ay madaxdeedu masuulkatahay, hadaytahay madaxwaynaha, wasiirada ,  agaasimahaasha , xildhibaanada labada gole Guurtida iyo Baarlamaanka ,.

Waxaa ayaandaro wayn ah in wasiiradeena iyo xildhibaanadeenu ay ku xaragooda baabuurta nooca ugudambaysa ee ay wadataan wadamada hore umaray,iyadoo aydalka intaa leeg ay camal la,aan baahsani kajirto,oo ay dhalinyaradii wax soobaratay ay ciildartii dalkooda uga hayaamayaan.

Masiibada manta dhalinyarada reer Somaliland ku hamsatay  waa mid ay taariikhdu qoridoonto waxaana masuuliyadaa is kaleh dadka manta sheeganaya madaxtinimada dalka, waxaana maalinwalba lagabaroorta guryaheena,waxaa maalinwalba goblama waalid,waxaa maalinwalba agoomooba caruuryaryar ,waxaa maalinwalba dhiigkar iyo macaan kudhacaa waalid markii horaba tamardarnaa markii ay waayeeb wiilashooda  ama gabadhohooda.

Dhalinyaradii cududa u ahayd wadanka waataabadaha iyo saharaha maydkoodudaadsanyahay,wataa magafuhu beerka iyo kalyaha kalabaxayo,waa kuwaa ku dulaysan wadama shisheeye,waa ku waa ku dhibaataysan xeryaha qoxootiga ,inta kabadbaada badaha iyo saxarahana waataa aad moodo dadqalaad, waxayna  katageen dhaqankodii, markii ay waayeen waxay yurub kafilayeen  waa ku waa noqday waxaan jirin ragii talinjiray.

Dhacdooyinkaa foosha xun ee maalinwalba dhacaya ayaanay xukumada iyo golayaasha qaranku  habarayaatee wax qorshe ah oo lagaga hortago aan wali lagahayn, baroorta iyo oohinta ka socota xaafadaha qaar inagamida ayaa waxaad moodaa inaan lagadamaqsanayn,oo aan waxba looga qabanayn xataa tacsina waa dane.

Aaaway balanqaadaydii  uu Madax-wayne siilaayo uu dhalinyarata ubalanqaaday markii uu mucaaridka ahaa ee uu lahaa waxaan idiin abuuro shaqo la arkimaayo dhalin ka tahriibta dalka ee waa loosootahriibi dalkeena ,taas badalkeedu waxay noqotay in dhalinyaradii lafdhabarta u ahayda dalkan ay badaha iyo saxaraha ku halaagsamaan, mee hadaba balanqaadkii Madax-wayne siilaanyo?

 

Hadaba waxa iga su,aala dhalinyaraw maxaa inala gudboon,maxaase inoo qorsha ah maxaan kayeelnaa odayaashan raabuqay ee kursijacaylku hayo ee aan talo kale lahayn ee aan horumarsamamaynayn ee aan wax kale kafikirayn waxay cunaan mooyaane ee dhalinyaradii ka hortaan waxay xaqa ulahaayeen ,

Mabadaha iyo saxarahaan kudhamaanaa?

Mabaroorta waalidkeen ayaan daawanaa maalinwalba?

Ma xanuunka lamafilaanka ah ee waalidkeen ku sooboodaya marka ay caruurtooda waayaan ayaan daawanaa?

Maxaa xala ee inala gudboon dhalinyaraw aantashano oo aan xaqeena soo dhacsano

Aan qaadno mudaharaad aan xilka kagaqaadno odayaashan kursi jacaylku hayo

Oo aan midayno maskaxdeena iyo muruqeena .

Oo aan aayaheena dambe katalino oo dhalinyarta inaga dambaysa aan eegno mustaqbal kooda .

Waar sidani simaaha waa nacasnimo walaahi.

Waliba qaarbaa nacasnimadooda doonaya in aymu doorano oo carabka inoo soolaalaadinayaa oo leh waxaan idiin qabandoonaa sidan iyo sidan waa beelaalayaal waxba qaban mayaan waxayrabaan in ay ina adoonsadaan waar inagu aan wax qabsano walaalayaan oo aan is kadayno dadka danaystayaasha ah ee aan codkeena siinayno iyagoo aan waxba inoo qabanayn waa iga talo.

Abdirahman Aden Mader (Abdirahman Joco)

Cabdirahman7up@gmail.com