Masuuliyiinta Xisbiga UCID Oo Dacwad Ka Dhan Ah Gudoomiye Faysal Cali Waraabe U Gudbiyay Gudida Diiwaangalinta Ururada Siyaasada

0
119

 

ucidHargeysa(waaheen) Musharaxa madaxwayne ee xisbga UCID aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID mujaahid Cali Guray xildhibaano kasoo baxay xisbiga iyo garyaqaano iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan xisiga ayaa maanta gudida diiwaangalinta ururada siyaasada u gudbiyay dacwad ka dhan ah gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

Waxaana masuuliyiintani ka soctay xisbiga UCID ee dacawada u gudbisay gudida diiwaangalinta ururada ay kulan ay saxaafadu daba jog ka ahayd la yesheen gudidaas iyaga oo kawada hadlay arimo badan, sidoo kalena waxay ka dhawaajiyeen in gudoomiye Faysal Cali Waraabe uu baal maray sharcigii u yaalay xisbiga.

Waxaana markii uu kulankaasi soo idlaaday saxaafada la hadlay garyaqaan Maxamed Saciid Xirsi iyo garyaqaan Maxamuud Cabdiraxmaan oo kamida iyagu kamida garyaqaanada u doodaya masuuliyiintan iyaga oo sheegay waxay dacwadani  salka ku hayso hadaladoodu ay isku soo biyo shubanayeen sida tan.

“Dacwadani waxay ujeedadeedu tahay xisbiga oo gudoomiyha xisbigu uu ka baxay oo baal maray sharcigii in sharciga lagu soo dabaalo in dib loo dhiso hay’adiihiisii, xisbiguna waa xisbi qaran oo lawada leeyahay hawshaana komishanka ayaa u xilsaaran, waxaana dacwadan u gudbinay gudida diiwaangalinta, waxii talaabooyinana iyaga laga sugayaa”Sidaas ayay hadaladoodu isku soo biyo shabanayeen Garyaqaanada kala ah Maxamed Siciid Xirsi iyo garyaqaan Maxamuud Cabdiraxmaan.

Dhanka kalena xildhibaano kasoo baxay xisbiga UCID oo iyagu goob jog u ahaa dacwadan ayaa fariin waano iyo talo ah usoo jeediyay gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyaga oo ugu baaqay inuu ka waantoobo qandaraaska uu soo qaatay ee ah burburinta xisbiga UCID.

Ugu danbayntiina waxa Iyana waxya masuuliyiiintan dacwada u gudbiyay gudida diiwaangalinta ururada siyaasada Somaliland ay sheegeen inay ku qanacsan yihiin waxii kasoo baxa iyaga oo sidoo kalean sheegay inay maxkamadana u gudbin doonaan dacwad tan lamida.

Khilaafka xisbiga UCID oo isagu noqday mid maalinba maalinta ka danbaysa sii kordhya ayaa waxa aan ilaa hada la garanayn halka uu sal dhigan doono.