Safaaradda Mareykanka Oo Tababar Ku Saabsan Sida Loo Soo Tebiyo Doorashooyinka U Soo Xidhay Saxafiyiin Ka Socday Dalalka Kenya Iyo Soomaaliya

0
130

wariye yaalNakuru (Waaheen)-Waxaa magaalada Nakuru oo ah caasimadda 4-aad ee dalka Kenya lagu soo gabagabeeyay tababar ku saabsanaa habsami u soo warinta cod-bixinta doorashooyinka dalka Soomaaliya.

Tababarkan oo lagu qabtay xarunta maktabadda qaranka Kenya ayaa waxaa wariyeyaashii ka qeyb galay lagu baray casharo la xidhiidha habsami u soo bandhigidda doorashooyinka, gaar ahaan sidii qaab mas’uuliyad ku jirto weriyeyaashu uga soo warami lahaayeen loollamada doorashooyinka.

Wadammada Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ku soo fool leh doorashooyin madaxtinimo iyadoo arrintan la adligeed tababarkaan loo fidiyey weriyeyaal kala gedisan oo ka socday idaacadaha ugu waaweeyn labada wadan.

Macallimiinta casharada bixinayay waxaa ku jiray khubaro Soomaaliyeed oo ku xeel dheer aqoonta warbaahinta iyo weliba tan doorashooyinka waxaana khubaradaasi ka mid ahaa Yuusuf Garaad Cumar oo horey qudhiisu ugu soo loolamay doorasho madaxweynenimo. Waxaa dhanka Kenya casharrada bixinayey mas’uuliyiinta ugu sareysa ururka dowliga ah ee Media Council of Kenya iyo kuwa kale.

Intii uu socday tababarka, waxaa aqoon isweydaarsi soo bandhigay weriyeyaasha Soomaalida iyo kuwa warbaahinta ugu afka dheer Kenya, waxaana weriyeyaasha Kenya ay ka warameen natiijooyinkii laga dhaxlay doorashooyinkii Kenya ka dhacay sanadihii 2007 ilaa 2008.

Weriyeyaasha Soomaalida ee idaacadaha iyo telefishinnada ayaa iyaguna ka warbixiyey qaababka ay Soomaaliya uga dhici karto doorashooyin bilow ah iyagoo sheegay in nidaamka doorashooyinka ee heerka gobol uu Soomaaliya gaarsiin doono mustaqbalka nidaam heer sare ah oo qof walba iyo codkiis ah. Tababarka kadib ayaa waxaa goobta shahaadooyin ka bixiyey mas’uuliyiinta ugu sareysa ee qunsuliyadaha Mareykanku ku leeyahay wadammada Kenya iyo Soomaaliya.