Beebkii Biyaha Ee Hoos Mari Jiray Biriijka Wayn Ee Hargaysa Oo Jabay Iyo Waxyeello Xoogan Oo Soo Gaadhay Biriijka

0
87

BiriishHargeysa(Waaheen) Waxaa Guud ahaanba Somaliland ka curtay Roobabkii Gu’ga kuwaas oo sababay Daadad waawayn oo ku soo rogmada Dooxyda waawayn ee dalka . Biriijka wayn Ee Hargaysa oo maalmihii u danbeeyay ay hoos marayen Daadad xoog badan ayaa waxaa Daadadkaasi ay waxyeelo gaadhsiiyeen mid ka mid ah Tiirarka uu ku taaganyahay Biriijka , taas oo halis galinaysa  Biriijka Caasimadda  . 

Geesta kale Daadad waawayn oo xalay soo rogmaday ayaa waxay sababeen in uu go’o ama uu jabo Beebkii waynaa ee biyaha keeni jiray Daanta Koonfureed ee Magaalada Hargaysa. Dawlada Hoose Ee Hargeysa Iyo Wasaarada Hawlaha Guud Oo Arintani Khusayso ayaa iyagu u muuqda kuwa ka gaabiyay in ay wax ka qabtaan Biyahan Gooyay Beebka Biyaha u keena Koonfurta Magaalda Hargeysa, Sido Kale waxa ayna Samyn wax qorshe ah oo uga yaal ka hor intaanu Roobabka Gu’gu Curan.

Waxa iyaduna Xusid Mudan in cabaq weyni ku timaado isu socdka Gaadiidka iyo Dadkaba Markuu robku Da’o Wadad weyn Ee Soo Gasha Bariijka Caasimada Somaliland Ee Hargeysa Taas oo Biyo Badani Fadhiistaan Barxada Hore Ee Bariijka intaan la gaadhin Walow ay Marmarka Qaar keento in Baaburtu ka joogsato iyagoo ka cabsoonaaya in ay wax yeelo ka soo gaadho .  Isku Soo Wada Duuboo Khasaarahan Ayaa Moogaan Weyni Ka Haysa Dawalda Hoose Ee Hargeysa Iyo Wasaarada Hawlaha Guud Ee Somaliland Oo Iyagu U Xil Saaran Dayactirka Jidadka Magaalda Hargeysa iyo Xog’ogaal u noqanshahoogaba.