Diyaarado Helicopter ah Joog hoose ugu dul wareegay Buurta Gacan libaax

0
138

hiliHargeysa (Waaheen):- Wararka ka imanaya deegaanada Buurta Gacan Libaax ayaa waxaa ay sheegayaan in diyaarado ku duulaya joog hoose ay dul wareegayaan  Buurta Gacan Libaax.

Diyaaradahan  jooga hoose ku duulaya oo ah nooca loo yaqaano Helicopter ayaa waxaa ay shaki ku abuuren dadka ku nool magaalada mandheera ka dib markii ay soo dul maren iyaga oo joog hoose ku duulaya isla markaana ka yimid dhinca buurta kuna sii jeeda dhinca xeebta

Lama garan karo ujeedka ay diyaaradahani ugu dul wareegayaan buurta Gacan Libaax balse dadka deeganadaas ayaa sheegaya in ay diyaaradahani yahiin qaar ugaadhsi sharci daro ah ka sameynaya buurta Gacan Libax

si kastaba ha ahaatee Xukuumada Somaliland ayaan wali arintani ka hadal