Seefta Madaxweyne Siilaanyo oo Dul saran Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Warancade

0
86

sagHargeysa (WAAHEEN) warar xog ogaal ah ayaa sheegaya  in xukuumada Somaliland ay wado qorshe ay xilka kaga qaadeyso wasiirka wasaarada arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade taas oo la sheegay in aanay xukuumadu wakhtigan raali ka aheyn  in uu ka soo mid ahaado. Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku daraayan in ay xukuumadu laba daran mid dooro ku jirto isla markaana dhanka kale ay ka war warsan tahay hadii ay xilka ka qaado wasiir waran cade in ay lumiso taageero uu xisbiga kulmiye ka heli lahaa beesha uu ka soo jeedo wasiirkani

Taas badelkeedaa waxaa ay xukuumadi miiska soo saartey iyada oo ka duuleysa in ay tageero lumiso  siyaasi aan waayahan ka dhex muuqan saaxada wasiirnimo isla markaana ka soo jeeda beesha wasiir waran cade oo lagu magacaabo Siciid Sulub Maxamed oo hore u ahaa wasiirkii hawlaha guud ee xukuumadii riyaale