Gorfaynta BAD MACAAN: Kaaf iyo Kala dheeri! – W/Q. Maxamed S. Axmed

0
157

 

1000 “Inta uu damqado hadal

Ilayn kulama doodoo

I daa kuma yidhaado!”

Deelleey, (Saado Cali Warsame)

Magaca buugga; Bad macaan (Miiddii iyo Murtidii Xasan-Ganey)

Magaca qoraha: Maxamed Axmed Xasan “Qodax”

Tifaftiraha: Cabdiraxmaan C. Faarax “Barwaaqo”

Sumadda buugga (ISBN): 978-91-88133-10-6

Daabacaadda: Sagaljet, Hargeysa, Soomaalilaan, 2015,

Tirade bogagga: 312 bog

Daabacaaddii koowaad Habeenkii la bandhigay ayaan ka mid ahaa dadkii nasiibka u yeeshay ka qaybgalka daahfurka buugga “Bad macaan” Miiddii iyo murtidii Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan-Ganey). Foolaadintaa oo ka dhacday Hargaysa, Maasoor ‘Hotel’ 18 December 2015kii, habeen Soorogi (Sabti) soo gelay. Habeenkaa ayaan hal buug ka gatay inamadii miiska buugta fadhiyey, si aan ugu bogto suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan-ganey). Markii aan  akhriyay ayay ii muuqatay waxyaabo aanan filayn oo qurux iyo qaabdarri ba leh. Taasaana, dhalisay inaan idinla wadaago aragtidayda wax na idiin soo bandhigo. Ugu horrayn, dhawr qaybood ayaan u kala qaadi si fahanku u fududaado. muuqaalka iyo magaca buugga ayaan ku bilaabi. Anigoo, uga gudbi doona dul-ka-xaadis kooban oo suugaanta abwaanka aan ku eegi doono, ugna sii tallaabi doona, kaalinta qofka tifaftiraha ah, dedaalka buugga la geliyay, qaabka buugga loo habeeyay, Laaxinjire oo lagu shirrabay maansada, habqoraalka. Ugu dambayn sida erayfurka buugga loo macneeyay iyo meelaha laga tixraacay ayaan aragtidayda iyo waydiimahayga ka dhiiban doonaa.

Magaca iyo muuqaalka buugga: Magaca iyo muuqaalka buuggani aad bay u qurxoon yihiin soo jiidashana u leeyihiin. Magaca oo laga soo amaahday maanso ka mid ah qaybta koowaad ee buugga oo la yidhaado ‘Dhaqan waa bad macaan’. Waa maanso geeraar ah oo bogga 95naad ee buugga ku qoran. Muuqaalka buugga waxa dejisay shirkadda buugga daabacaday ee Sagaljet. Inkasta, oo uu quruxsanyahay soo jiidashana leeyahay, ayaa labada dhinac ee buuggu kala muuqaal duwanyihiin. Badanaa, ma qurux badan kala geddisnaantaasi. Isku ekaanshaha labada dhinac ee buuggu waa qayb ka mid ah soo jiidashada buugga. Dookhaas, waxan ku aqaanay Cabdiraxmaan “Guribarwaaqo” waana sida ay buugtiisu u badantahay.

Suugaanta badda ah ee Xasan “Ganey” Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan-ganey) suugaantiisu ma aha mid laga geyoonayo, in la dul-ka-xaadiyaana waa bad bilaale la daray oo kale. Habeenkii buuggan la bandhigayey waxa uu qoraagu sheegay in buug labaad oo “Qaneecaad” la yidhaado soo socdo oo isna suugaanta abwaanka uun ah. Kanina (Bad macaan) uu yahay 25% suugaanta abwaanka. Taasi, waxay ina tusinay in magaca buuggani (Bad macaan) yahay mid sheegaya baaxadda suugaanta abwaanka. Aniga oo taa maanka ku haya ayay ila qummanaatay in aan wax idiinka taabto suugaantaa dahabiga ah ee aan laga geyoonayn.

 

Suugaanta abwaanka inta buuggan ku qoran oo sagaal qaybood ah, mid waliba na ay baaxaddeeda leedahay ayaa waxa ka mid ah meelaha aan u bogay idinna aan filayo in aad ka heli doontaan tuduc ka mid ah maansada Duufaan, oo aad ugu xeeldheer dhinaca xiddiginta iyo felegga. Waxa soo jiidasho iyo layaab leh sida abwaanku aanu isaga oon meelo fogfog ka doonin uu isugu soohayo erayo iyo meerisyo ujeedadoodu lama-duugaan aad u macna durugsan yihiin. Oo haddana laga yaabo in aad ka dhex hesho arrimo dhaqanka la xidhiidha oo aad in badan is waydiin jirtay sababtooda. Tusaale ahaan, bilaha gu’ga ee xilli roobaadka waxa ku jirta bil la yidhaado Dirir Cawleed, bishan oo aan in badan yaraantaydii is waydiin jiray sababta Cawlka loogu magcaabay, balse, aan muddo dambe ogaaday in uu Cawlku u xiddigiyo dheddiggiisa marka uu saaranayo, oo haddii aanu xilligu samaan doonin aanu saaran ee uu ka dego. Haddii ay ishaaro barwaaqo muuqatana uu saarto dhashiisuna ay dhashaan bisha Dirir Cawleed ee xilli-roobaadka oo ah amintii la rabay in ay dhashaan. Waxa kale oo xusid in roobka la yidhaado Dambasame ee da’a xilliyada dayrta ugu dambaysa, oo ay dad badani ugu yeedhaan Dambarsame, laga keenay magaciisa in uu yahay roobka lagu sugo gu’ga soo socda oo baadkii iyo biyihiisa aan laga danbayn ilaa gu’gu ka da’ayo, marka laga reebo meelo uu Xaysku ka da’o. Sababtaa oo loo yidhaado waa kii ugu dambeeyay ee dabadiisa ama hadhaagiisa lagu samaaday. Sidaana Dambesame loogu bixiyay. Intaa iyo in ka baaxad badan ba waad ugu tegaysaa maansada Xasan-Ganey. Tusaalahan ayaan ba laga geyoonayn haddii maantaba la falanqeeyo oo intaa aan soo sheegay iyo in badan ba aad ugu tegaysaa:

 

Dabtuurkoo Arbaca galay,

Idahayga dayrtii,

Darbanaha shakaalani,

Dambasamaha ma afuro,

Oo waxan dib ugu dhigay,

Falaggaan dabci aqaan,

Xilligii u di’i jiray,

Inuu roobka daba maray,

Waydaarshay daydana,

Waxaan uga danleeyahay,

Markii cawl xilli u dayay

Dheddigguu dulsaaraa,

Aniguna dad baan ahay,

Jiilaalna waa daah.

 

Bal haddana, aynu soo qaadanno mid ka mid ah muuqaallada hibada iyo heensaynta bilani ka muuqdaan ee uu ku sawirayo geeddi-socodkii dunida iyo sida ay hadba hir uga guuraysay, uguna hayaamaysay kob iyo degello ka egansan kuwii hore. Waa tuduc ka mid ah heesihii ku jiray riwaayaddii Masiibadu adduunyada iyadaa u macallin ah oo ku leeyahay:

 

Taariikhdu waa mudan,

Waa jire markhaati leh,

Mar bay ahayd adduunyadu,

Mugdi lagu hallaaboo,

Mahadhooyin badanoo,

Dadku ayda magansado.

 

Ka tashade miroodkii,

Qarni waliba si u maal,

Casri waliba maaree,

Hadba meeris laga gudub.

 

Dunidii malaasnayd,

Maskax lagu furfuro iyo,

Muruq inuu u sahan tago,

Waxa baray mushkiladdaha.

Masiibadu adduunyada,

Iyadaa u macallin ah.

Abwaanka aynu suugaantiisa hadba meel ka garoocaynaa waa Xasan-Ganey, oo iska daa maansooyinkiisa’e aan laga baxay mid ka mid ah heesihiisa. Waayadii abwaanku curiyay heesta Sayla, ayaa waxa dhegaystay nin hoobal qalambaawi aan gaafafka iyo aroosyada lagaga daba dhufan oo ka soo jeeday deegaanka Sayla ee abwaanku heesta ku ammaanay. Waxa la sheegay in ninkii laga danbayn jiray, inta yaab iyo amankaag Alle u keenay uu yidhi “Sayla samee oo iska seexo ayaan garanwaayay” isaga oo u jeeday haddii aan heestaa curiyo aanan wax dambe odhan lahayn, in sida Xasan-Ganey oo kale dhaqanka loogu tixgeliyo la iiga dambayn lahaa inta Soomaaliyi jirto. Abwaanka caynkaas ah haddii la sii dhex galo waxaan filayaa in lagu dhex lumayo ama laysku illaawayo hummaagyada iyo hal-haysyada cajiib iyo cibaarada badan ee maansadiisa.

Inkasta, oo aynaan ka geyoonayn suugaanta baaca dheer ee abwaanka ay-garadka[1] ahi falkiyay, qurxiyay ee qaabeeyay. Bal aynu halkaa ku hakinno oo ku sii soconno qaybaha kale ee buuggan Bad macaan. La soco Qaybta Danbe

 

Kaalinta tifaftiruhu ka ciyaaro buugga

Qofka loo igmado in uu buug tifaftiro waa in uu yahay mar walba mid uga aqoon iyo ogaal badan kan wax qoray dhinaca qoraalka. Taas oo ah ujeedada loogu keenay si uu uga tifo qodaxda shilintana uga guro si aan wax dhaliil la taaban karaa hadhaw uga iman. Quraarka ama tifaftiruhu wuxuu ugu jiraa qoraaga kaalinta uu Suugaan-dhaadhigu ugu jiro hal-abuurka ama maansayahanka. Suugaan-dhaadhigu, wuxuu kuu sheegi karaa inta aanay maansadaadu dadka gaadhin inta dhaliil iyo hanbalyo ka iman doonta. Taas oo aad ka arki karto sawirka hadhaw lagaa qaadan doono, kuguna kallifta in aad maansadaadii midhif-tirto oo la kaashato, kana saarto wixii ka qarribnaa. Halkaas oo kale ayuu quraarkuna ugu jiraa qoraaga, isaga oo la sixi kara wax kasta oo ka qaldan kuna garab geli kara inta aqoon iyo ogaal uu dhaamo. Taasi haddii ay meesha ka baxdo waxa dhacaysa in dedaalkii qoraagu noqdo wax qarba-qarbo ah oo aan loo bogin. Dhaliisha buuggaas ka soo baxdana waxa yeelanaya badankeeda tifaftirihii loo igmaday ee wax la biday.

Dedaalka buugga la geliyay iyo eray mahadnaq ah

Maxamed Axmed Xasan (Qodax) oo qoraaga iyo ururshaha buuggan ahi waxa uu qabtay hawl qiimaheeda iyo qaayaheeda leh, mudanna in lagu hanbalyeeyo. Sababta oo ah waxa uu u babac dhigay in uu badbaadiyo kayd magguuraan noqday maanta ka dib iyo haro aan go’id iyo gudhid midna looga baqanayn lagana cabbi doono qarniyo badan oo dambe. Waa hawlqabadkii koowaad ee uu buug u tafaxayto uguna amba-baxo abwaan suugaantiisu sidaa u ballaadhantahay in uu wax ka reebo. Waxa uu innaga mudanyahay in aynu nidhaano mahadsanid kun goor.

Way dhacdaa in marka aad buugga koowaad qorayso aad gasho qaladaad badan oo aan kaa kas ahayn ee kama’a iyo aqoontaada gaaban ee bilowga ah oo aan kuu saamixin in aad saxdo soona saarto wax lagu wada qanci karo. Taas ayaa noqon karta dhaliishaada ugu weyn ee aad afka iyo qoraalka ka gasho. Waxa se jira qof dareensan in uu qaladaad galay, dabadeedna inta aanu soo saarin soo mariya cid uu aqoon iyo waaya-argnimo ku tuhmayo. Igmashadaas oo noqota mid uu hadhaw ka hoos galo gefkiisii aqoondarro oo ciddii uu wax mooday cambaar ku noqota.

 

Maxamed, oo toddoba sano uriranayay qorayayna buuggan ayaa kula eertay qoraa weyn oo xog iyo aqoon badan lagu tuhmo. Qorahaas, oo u oleleeya in wax sax ah oo aan gefaf qoraal lahayn aynu qorano, aadna u dhaliila qoraallada jaahwareersan ama aan midhif-tirrayn ee ina daashaday. Tifaftiraha buuggan oo ah Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo, kuma diidin codsigii qoraha ee si wanaagsan ayuu ula galay dedaalkii toddobada sano soo taxnaa, isaga oo ay ku qaadatay laba sano oo dambe, buuggiina muddo dhan sagaal sano ka dib ifka u soo baxay. Labadoodaba waynu ku hanbalyayninaa wixii ay inoo qabteen oo ah buuggan qiimaha iyo qaayaha weyn ee horteena yaalla. Suugaanta hodonka ah ee ay inoo qoreen ee qurxiyeen. Kaydka ay uga tageen jiilka soo kacaya, ka jooga iyo kuwa dhabarka ku jira ee iman doona. Mahadnaqaas aan u hayno labadoodaba ma aha macnaheedu in aynu ugu dulqaadanayno gef iyo qalad muuqda haddii ay la gole yimaadaan. Kama hadlayo wax yar oo si aan kas ahayn loo ilduufay markaan sidaa leeyahay. Gudaha buugga marka aynu galo ayaynu aki oo isla jeexjeexi waxa aynu ugu tagno.

 

 

Habaynta buugga

 

Inkasta oo buuggan si wanaagsan oo aan la dafiri karin la isugu hawlay haddana mararka qaar waxa is odhanaysaa Xaggee salaaddu ka xidhmi la’dahay? Ma anaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa? Buugga marka aad bilawdo ee aad bogga labaad marayso waxa aad is odhanaysaa ma Barwaaqo ayaa qoray oo xuquuqda qoraalka iska leh mise Maxamed Axmed Xasan “Qodax” waxa laga yaabaa inaad soo rogto bogga koowaad oo aad akhriskii joojiso marka aad aragto E-mail-ladii Barwaaqo iyo hayb-gurigiisa oo lagu hagaajinayo falcelinta iyo faallada qoraagiina aanu ku xusnayn mudnaanta lahaa, marka ay kaa hor timaado sidani:

 

“Hal-aqoon publishers

Buulo-barwaaqo,

Koodbuur,

Hargaysa, S/layn”

……..

Waydiimaha iyo falcelinaha waxa lagu soo hagaajinayaa

Hayb guriga kor ku xusan ama

E-mailka hal_aqoon@ahoo.com

…..

Barwaaqo, waa aan u dul qaadan haddii qof eray aanu lahayn ama uu ka soo qaatay qoraal uu akhriyay uu soo qaato xuquuq ilaalin awgeed. Qofka arrintaas sameeyana wuxu ku eedeeyaa in aanu xigashada iyo xuquuqda qoraalka aqoon. Haddaba xuquuqda qoraalkan muxuu ku yeeshay marka uu leeyahay sidan? Ma labadii sano ee uu tifaftirayey mise si kale? Sidee se isu waafaqayaan afeefta qoraha buugga Maxamed Axmed Xasan “Qodax” iyo sheekadani “Waxaanan akhristeyaasha ka codsanayaa in ay wixii gef ah ee ay helaan ii soo gudbiyaan si ay daabacaadda dambe u noqoto mid gef ka reebban”. Labadooda kee loo gudbinayaa, keebaa se xaq u leh? Tifaftire, qoraha caawiya waa la arki jiray laakiin, mid buuggii kula yeesha waa kow! Waxaad mooddaa in xeerkii geeljiraha dhexyaallay uu qoraalka soo galay ee ahaa “Geel adiguna ha bixin, nin kalena ha u dayn” ama halhayskii Cabdiqaadir “Aroma” ee ahaa “Kaygana lehi kaagana kula lehi”. Maanta se waa xuquuqdayda aan dhawrto nin kalena yaanan u dhawrin. Cabdiraxmaan ‘Guribarwaaqo’ miyaa laga dhaafay xuquuq dhawridda?

Laaxinjire oo ku fashilmay quraaridda suugaanta

Qormaha Laaxinjire, oo buuggan suugaanta ku qoran lagu shirrabay (saxay) ayaa isna ka mid noqday dhaliilaha buuggu yeeshay. Wax badan ayuu Barwaaqo, geed dheer iyo mid gaaban ba u fuulay socodsiinta iyo adeegsiga qormaha Laaxinjire, hadda se waxay u egtahay in ay si weyn uga duwantahay sawirkii laga bixiyay kan aynu hayno. In badan baan arkay ama maqlayba dad ka biyadiidsan adeegsigiisa oo leh ma aha wax sax Laaxinjire. Haddaan se ogaaday in wax badani ka qabyo yihiin, suugaan badan oo aan ku shirrabayna aan kala kulmay meelo badan oo sax ii ahaa uu laaxin iyo deelqaaf ku sheegay. Iyada oo ay is yeelan wayeen wixii aan sitay iyo warcelintiisii. Waxaan se sugayay maansooyin uu Barwaaqo, ku shirrabo oo uu waxba ka soo saari waayo iyaga oo jajab, deelqaaf iyo laaxinba leh sida tusaalahan hoose, si guntiisaba loo soo taabto. Taasina runtii way dhacday, indhaheenoo shan ah na waan ku haynaa.

Laaxinjire, waxa lagu shirrabi karaa toddoba badood oo boqorka maansadu (gabaygu) ka mid yahay. Waxaan se hubaa, in aanu intaaba awood dhammaystiran u lahayn oo uu weli yagleel yahay u baahan in dib looga shaqeeyo haddii lexajeclo laga qabo in timaadada si wanaagsan wax loogu saxi karo. Taasi guul ayay dhammaanteen inoo ahaanaysaa haddii ay cidda faraha ku haysaa inala qaadato.

Gabayga oo aynu ognahay in uu yahay badda ugu tunka weyn looguna xiiseeyo godadka ayaa ah ka ugu laciifsan marka Laaxinjire lagu shirrabo! Godkii ugu caansanaa ugu taabudsanaa ee cid walba garan karayso halka uu ka jabanyahay ama deelqaafku kaga jiro, haddii aanay dadka xeerarka suugaanta aqoonina ay ku dhegaysanayaan oo aad xagal-ka-daacdo ay odhanayaan waad qarribtay gabayga ama ma taqaanid quruxda gabayga ayaan tusaale idiinku soo qaadayaa iyada oo aqoonyahan Barwaaqo, gacantiisa ku tifaftirayay laba sano, Laaxinjirena ku shirrabay oo haddana baylah badani ka muuqato. Isaga oo aad mooddo sidii loogu keenay. Bal ila eeg tuducyo ka mid ah gabayga Xas iyo bahalle ee bogga 188naad ee buugga Bad macaan.

 

Tuducyada laaxinku ku jiro, xarafka ka baxay          iyo                          sida saxda ah

Libtay naga xistiyayaan xujaa, weliba noo dheere, (Hooris xarafka ka baxay ‘deelqaaf’)

Xafaarkiyo biyooluba wayga, haqab beeleene,        (Hooris xarafka ka ka baxay ‘deelqaaf’)

Goortaayxasuuq gaadhay iyo, xaaqa magacooda,                 (Goortay xasuuq gaadhay iyo,….)

Xaasha ee Itoobiya wax tegay, xay kamay dhigine,               (xaashee Itoobiya wax tegay, …)

Waa tii ay xakamayn jireen, nimanki xaydnaaye,                 (Waatay xakamayn jireen, …..)

Xaal been abuuraa xisbiga,laga sameeyaaye,                      (Hooris xarafka ka ka baxay)

Xaflad lagu gumaadiyo xabbado, loogu wada baaqye,        (Hooris xarafka ka ka baxay)

Aday xiga iyo ku kale xumay, iyo qolo xawaashaynta,          (… xumay, qolo xawaashaynta)

Xafidaan midnimada is idhiyo, samaxaduurkayga               (….samo xaduurkayga….)

Ooyxuub siniintiyo wadnaha, xaydha iga goysay                  (Oy xuub siniintiyo…)

 

Dhurtii Laaxinjire iyada aan wax qalad ah sheegayna waa tan:

Dhurtu waa sidan:

1. Maansadu waa: Xas iyo

Bahalle. Gabay

2. Badda la shirrabayaa: Gabay
3. Qaafiyaddu waa: X
4. Tiradu waa: 261
5. Tirada deelqaafku waa: 0
6. Tirada laaxinku waa: 0
7. Qaladku waa boqolkiiba: 0%
   
   
   
   
   
   
  Hagaagsan
  Deelqaaf
  Laaxin
 

 

 

Miyaanu Gaarriye ina odhan “Dhegtaa diidda meeshay xarfuhu, dalab ku yeeshaan

 

Taas waxa ka sii qaab xun sida maansooyinka qaar ka mid ah loo dhex dhigay dhurta Laaxinjire hordhaca ama maansada, ma hagrasho Cabdiraxmaan baa mise waa ka talaxgab tolow? Aan tusaale u soo qaadanno mid ka mid ah maansooyinka lagu kala jaray dhurta Laaxinjire ee sida qaabka daran buugga loo dhex dhigay.

2.14. Cosob (bogga 118naad)

 

Cosob guban ku yiilloo,

Roobkoo cishii hellay,

Cawl-cawlka waa beri,

Mayay caal madoow iyo

 

Dhurtu waa sidan:

 

1. Maansadu waa: Cosob. Jiifto.done
2. Badda la shirrabayaa: Jiifto
3. Qaafiyaddu waa: C
4. Tiradu waa: 46
5. Tirada deelqaafku waa: 0
6. Tirada laaxinku waa: 0
7. Qaladku waa boqolkiiba: 0%

 

  Hagaagsan
  Deelqaaf
  Laaxin

 

Isku daray casuusoo,

Waa caadadiisee,

Markii hore badda cuskaday…..

 

Waa kaa Laaxinjire iyo aqoontii, habayntii iyo quraarriddii Guri-barwaaqo oo ka mid noqotay tuducyada maansada Xasan-Ganey! Iyo buugga oo noqday sidii majalad lagu xayaysiiyo bog kasta oo ka mid ah qormaha Laaxinjire, sida shirkaddaha ganacsiga ee kiryasta bogagga majaladdaha iyo jaraa’idada.

 

Habqoraalka buugga iyo tifaftir la’aanta ka muuqata

Tifaftiraha buuggan loo igmaday oo ah mid ka mid ruugcaddaayada qoraalka laguna tuhmo in uu leeyahay aqoon badan oo qoraal, runtiina ku jiray muddo afartan sano ka badan ayaan xil weyn iska saarin buuggan dhan kasta oo ay ahaataba! Waxa aan la yaabay oo qaadanwaa igu noqotay in qofka intaas oo sannadood shaqadan faraha kula jiray buugga uu labada sano hayay iyo ee ay arradnaantu ka muuqato. Waxaad is waydiinaysaa ma hagrashaa mise waa gabaw iyo tahliwaa? Maan arag buuggan ka hor eray aan laba eray ka koobnayn ama akhrintiisu adkaanayn oo tiijin la dhexdhigo, taas oo ay kii qoray iyo kii quraarayba ku qanacsanyihiin. Afartan sano oo khibrad ah iyo laba sano oo quraarid ah wixii ka soo baxay indhahaaga igula eeg tusaalahan sida uu ka raallida noqday Cabdiraxmaan in aynu buugga ku akhrisanno:

Googoo-yo, xadh-kaha, hadhuu-dhka, dhaa-fine, xoo-la-ha, sooc-do, sad-dex, roob-ka, hoostee-da, waqoo-yi, far-daha, maga-cooda, gaadh-kii iwm.

Taas waxa ka sii daran tan soo socota oo aad xaqiiqsanayso in buuggu ku soo baxay sidii qoraagu ugu keenay marka laga tago ladhadhka (ciwaannada). Bal hadda tusaalahan kalena ila dhugta:

Foyihiin, Lagahooda, Qaniin, Xool weyd ah, Neefka dhiddi ee…, Baleaf iwm.

Ilama aha wax loogu dul qaadan karo odayada buugga guryahooda dhigtay waayada badan in ay haddana sidan wax inoogu soo qoraan. Taasi waa dib-u-socodnimo foolxumadeeda leh.

 

Taas waxa iiga sii yaab badan in markaad buugga akhriyayso aad arkayso in tifaftiruhu aanu xilba iska saarin midhif-tirka qoraalka ee iyaga oo sidii qoruhu ugu keenay ah la inoo daabacay. Mararka qaar ayaad ku daalaysaa hordhacyada maansooyinka iyo riwaayaddaha. Waxa laga yaabaa inaad adiga oo xiisihii qaba haddana buugga iska laabto, tusaale ahaan marka aad marayso hordhaca riwaayadda Masiibadu adduunyada iyadaa u macallin ah. Waxaan fahmi la’ahay wax labada sano laga haystay haddii sidan kolayba lagu daabacay? Taas uma arko wax aan luggooyo iyo hoosaasin ahayn.

 

Meelaha aan sheegayo ee iska hor imaadka badani ku jiro waxa ka mid ah, in tifaftiruhu intii uu buugga quraarayay uu bogga 41naad ku qoray erayada la soo gaabiyay ee buugga ku jira, si fahanku u fududaado. Waxa se dhacday in uu meel kakan sii geliyay. Erayada la soo gaabshay oo u badan magacyada baddaha maansooyinku ku kala abtirsanayaan ayaa waxa ka mid ah “(h.sh.) = Heesta shimbiraha”. Shimbiriha yaa u heesa tolow? Heesta shimbiraha ee quraarku meesha keenay waxay noqotay heestii geela marka aad akhriyayso maansooyinka badda ama godka ka baxay! Marka aad akhriyayso maansada Hadhuub Caashaq oo kale oo saddex badood gelaysa, Cabdiraxmaan, hordhaca wuxu ku sheegayaa sidan:

“maansadu waa saddex badood oo isku dhafan. Guud ahaan waxay ka koobantahay 72 tuduc. 58 waa Jiifto. 14ka soo hadhay8 waa baddii maqasha. 6da kalena waa baddii hanta…..”

 

Halkaa jeerka ay marayso ayaa maansadii bilaabanaysaa, 6da tuduc ee badda haanta la inoogu sheegayna waa baddii shubaasha ee geela oo soo gaabsigeeda la inoogu macneeyay heesta shimbirha. Tusaale haddaynu soo qaadno saddexda badood ee maansadu gelayso sidan ayay u yaallaan:

… Danta lama huraanka ah

Hareeraha aan qabannee, (Jiifto)

 

Soo haabo

Hobo oo kac (h.sh.)

 

Waxaan kuu hayaa,

Hadhuub caashaqee, (h.m.)…

Heesta haanta, ee hordhaca ku jirta mooyi meel lagu qoray, tii shimbiruhuna heesta geela ayay noqotay! Waad aragtaa in ay Kaaf iyo kala dheeri tahay sheekadu!

 

Erayfurka buugga

Eray furka buuggan marka aad akhriyayso waxa kaa hor imanaya is khilaaf badan iyo hagrasho weyn oo ka muuqata qaabka eryada loo macneeyay. Taas oo ay meelo badan ku hungoobayaan dhalinyarada iyo ardayda dugsiyada ee jecel barashada afkooda. Sababta oo ah waxa loo macneeyay badankooda sidii abwaanku maansada ugu daray ama dhisay – iyada oo aad arkayso erayo lagu macneeyay wax aanay ahayn. Abwaanku, marka uu maanso tirinayo waxa jira erayo uu u adeegsado macne aan kuwoodii ahayn. Taas oo dadka aan suugaan-dhaadhiga ahayn dhib weyn ku haysa. Iyaga oo u qaata sidii uu hal-abuurku u adeegsaday hadhawna maansadiisii daliil ka dhiganaya. Arrintaasi, marar badan ayay ila kulantay, buuggan laftiisa aniga oo sita ayaa wiil aan saaxiibbo nahay i waydiistay isaga oo eray furka aad ugu jeellanaa, aniga oo ka biyadiidsanaa qaladaadka badan ee ku jira ayaan ka cudurdaartay in aan u dhiibo. Dadka kalena maxaad u malaynisaan?

Tusaale, haddaan soo qaato erayada hal-abuurku u adeegsadaan macne aanu lahay, balse ay ku qasabtay xarafka ay ka maansoonayaan aan soo qaato meeris gabay oo uu lahaa Sayid Maxamed Cabdalle Xasan, isaga oo tirinaya gabay ku socda xarafaha shaqalka (a, e, i, o, u) ah ayuu u baahanayaa eray xarfaha shaqalka ah ku bilaabma oo uu ku beddesho erayga dabayl. Marka ay suugal u noqon waydo waxa uu halkeedii ku qasbayaa erayga Ur, isaga oo yidhi “Marka hore urtaan mari, Adame[2] sidiisiiye” bal ka warran haddii qofka maansada Seyidka qorayaa uu erayga ur inoogu macneeyo dabayl ama neecawda socota. Miyaanay mid subxaanala ahayn?

Marka aan sidaa ku doodayo, ma diidani in erayga loo macneeyo sidii uu maansada ugu jiray ee waxa habboon in la raaciyo sidii uu asalkiisu ahaa. Waxa se aan wax la qaadan karo ahayn in saddex eray oo isku xiga mid loo macneeyo sidii uu saxda ku ahaa iyo sidii abwaanku u adeegsaday, midna loo macneeyo sidii maansada loogu adeegsaday oo keliya, midna laguugu sheego wax aan macnihiisii dhabta ahaa ahayn. Intaaba buuggan waad ugu dhex tegaysaa. Bal u fiirso tusaalahan:

Sandahan f. 1. Qarsoon, aan caddayn. 2. Jajaban. (eraygan sidii uu ahaa iyo sidii tixdaba waa loo macneeyay oo waa sax)

Qalanqal–ka. m.l. Gebi, garbo.  (kan se waa sidii maansada loo geliyay oo keli ah. Qalanqashu asal ahaan waa geed gaab ka tirsan geed-madawga oo la bah ah Higlada, Maygaagga iyo Qadawga )

Miiraale –ha. m.l. Roob weyn oo onkod badan. (Ma Miiraalaha oo keliya ayaa onkoda? Miiraale waa roobka habeenkii da’a ee iyada oo aan la filayn dad iyo duunyaba mira. Inta badan maba laha onkod marka gu’yaadda oo kale ee wuu shamaaxiyaa oo sanqadh la’aan ayuu kugu helaa waana sababta Miiraale loogu bixiyay oo sida gaadaha ayuu adoo iska dagan kugu bilaabaa dhibcaha)

Inkasta oo eray furka buugga badankiisu sidan yahay saddexdan tusaalan aan u soo qaatay oo keliya in aad ila aragtaan buugga labada sano la quraarayay ee haddana ka madhan quruxdii laga filayay in loo yeelo. Wax ka badan 100 ama ku dhaw oo eray oo sidan u candadawlan ayaa buuggan ku qoran. Uma arko in la tifaftiray ee waxan u arkaa in wax la yeelay. Waxan ku dhaafi heesta Xasan-Ganey, ee “Nasab” tuduceeda “Naqa aan fayoobayn, geeluba ma naawilo, nuxuustaanu ku ogyahay”

Tixraaca buugga

Buug marka la qoro, meelaha ugu muhiimsan waxa ka mid ah in si hufan loo xuso tixraaca dhabta ah ee buuggu leeyahay. Haddii taasi meesha ka baxdo waxa muuqanaysa dhaliil weyn iyo bakhaylnimo fogaatay. Meelaha buuggani (Bad macaan) u dhutinayana taas ayaa ka mid ah. Sababta oo ah, tixraaca buuggani ma aha kii dhabta ahaa ee waa mid Guribarwaaqo ku darsaday kuwo aan shaqo iyo shuqul ku lahayn! Taasina waa nusqaan weyn.

Sida uu sheegay habeenkii bandhigga qoraha buuggu (Qodax), waxa jira dad uu kow ka yahay abwaanku iyo wiilkiisa Cabdilaahi Xasan-ganey oo ah kuwa ugu mudan ee suugaanta laga helay iyo dad kale oo mudan ah kuna deeqay wixii ay abwaanka hayeen, kuwaas oo mudnaa in ay noqdaan halkii laga tixraacay ma ay dhicin ee booskoodii waxyaabo kale ayaa lagu buuxiyay. Halkaana waxa ku lumay xuquuq caalami ah oo lagu gabbood falay. Ujeedada looga reebayna maan fahmin anigu.

Haddii aynu soo qaadno tusaaleyaal muujinaya tixraaca buugga lagu daray ee ay waydiintu dul taaganatahay meesha ay kala xidhiidhaan suugaanta Xasan-ganey, waxa ka mid ah:

Abraham, R. C. 1964, ‘Somali-English Dictionary’ , London : University of London Press 1962. (reprinted in 1968) _____, 1964, ‘English-Somali Dictionary’ , London : University of London Press 1967.

Aitchison, Jean, ‘Teach yourself linguistics, Chicago, McGrew-Hill Companies, 1999 , 2003.

Labadan, tusaale waxay ka mid yihii 34ka raadraac ee kuwan la midka ah ee buugga ku yaal! Waa ammuur yaabkeeda leh oo waa tii hore Cabdi Xirsi ‘Cabdi-gorod’ uu lahaa “Adduuyada nin joogoow maxaa, aragti kuu laaban”. Halkee ayay raadraacyadani kala xidhiidhaan suugaanta Xasan-ganey? Ma eray furka ayaa looga maari waayay tolow waa yaabe? Taasi ilama aha cudurdaar oo hadday sidaa tahay maxaa badanka erayada qalday oo iska hor keenay? Taasina waa waydiin meesha qabata.

Waxa kale oo aan la yaabay inta buug ee Cabdiraxmaan Guribarwaaqo, qoray oo iyana lagu taxay raadraaca buugga. Waxaan is idhi ka uu ka tegayna (Hal-tebinta erayda kombiyuutarka) miyuu ilwaay tolow, muu iskaga daro. Bal u fiirso sida wax yihii:

Cabdiraxmaan C. Faarax “Barwaaqo” , ‘ Abwaan cusub o oaf Soomaali iyo af Ingiriisiya: a modern Somali- English dictionary’ , printed by Ottawa Roman Catholic Separate School Boad, 1995. Xxix,468pp.

_______, ‘ Waxqabadkii iyo mahadhadii Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” ‘ , waxa

soo saaray Hal-aqoon publishers, Ottawa, 2007 .

 

_______, ‘Magac Bilaash Uma Baxo: ujeeddooyinka magcyada iyo naanaysaha     

 Soomaaliyeed’ , published by the author, Ottawa, September 1998. 1st edition. X,209pp.

______, ‘ Abwaanka cudurrada dadka iyo duunyada’ , published by the author, Ottawa, 2001 .

 

______, ‘Dirkii Ina Sanweyne: dooddii iyo murankii miisaanka maansada’ , waxa soo saaray

 Hal-aqoon publishers, Hargaysa Soomaalilayn, 2008 .

 

______, ‘ Sooyaal: Ina Cabdalla Xasan ma Sheekh buu ahaa, mise….?’ , waxa soo saaray Hal-

 aqoon publishers, Hargaysa Soomaalilayn, 2012 .

 

odaygu buugtiisa, buugga miyuu ku xayaysiinayaa mise dadkuu la socodsiinayaa in wax walba laga raadraaci karo. Weli qof sidan sameeya waa ii kow!

Ugu dambayntii waxaan akhriteyaasha kula talinayaa in ay raadsadaan buugga Bad macaan ee lagu ururiyay qayb ka mid ah suugaanta hodonka ah ee abwaan Xasan X. Cabdilaahi ‘Xasan-Ganey’. Waa buug loogu tegayo dhaqan iyo af anfacaya qof kasta oo Soomaali ah. Waxaan rajaynayaa in laga heli doono guri kasta iyo goob walba oo aan laga qatanaan hoobaanta dhex yuururta Bad macaan.

Maxamed Saleebaan Axmed “Tixmagabe”

Email:tixmagabe20@gmail.com

SI-ARAG © Weedhsan Corporation

 


[1] Qofka deegaanka iyo noloshiisa aadka ugu xeesha dheer.

[2] Ninka Maroodiga ugaadhsada