Doorashada Somaliya oo ay Dawladdaha Waaweyni kala taageerayaan Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo Loolan adagi u bilaabmay

0
78

 

In lagu soo koobo 15 qof oo kaliya inay soo xulaan xildibaanada labada gole, halka Gaas iyo Madoobe ay rabaan in tiradaas laga dhigo 50

 

madHargeysa(Waaheen) Shirkii madasha wada tashiga oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya, ayaa laysku mariwaayey  qodobo dhowr ah.

Shirka oo shalay ka furmay Muqdisho  ayaa waxaa lagu falanqeeyay qodobo dhowr oo la xidhiidha hab maamuuska doorashada la filaayo in ay dalkaasi ka dhacdo bisha September ee sanadkan 2016.

Wararka shirkaasi ka soo baxaya aya sheegaya in ay jiran qodobo laysku marilayahay oo ka kooban   shan qodobo kuwaas uu soo jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Qodobadan hoos ku qoran ayaa waxaa ku ayiday Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan, halka Axmed Madoobe iyo Cabdi wali Gaas aay diidmo qayaxan kala hor yimaadeen qodobadaas, oo kala ah:-

  1. In go’aanada ka soo baxa golaha madasha qaran la hor geeyo baarlaamana Soomaaliya, si aay u ansixiyaan
  2. In heshiiskii Garoowe la hor geeyo baarlamaanka si aay u ansixiyaan
  3. In Guddiga doorashooyinka qaranka looga danbeeyo hab maamuuska iyo maamulka doorashooyinka 2016.
  4.  In looga danbeeyo oday dhaqameedyada soo xulitaanka xildhibaanada aqalka sare iyo aqalka hoose
  5. In lagu soo koobo 15 qof oo kaliya inay soo xulaan xildibaanada labada gole, halka Gaas iyo Madoobe ay rabaan in tiradaas laga dhigo 50.

War murtiyeedka ka soo bixi doona shirkan madasha oo aay uu soo diyaariyay xafiiska wakiilka qaramada midoobay Michael KeatKeating.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa waxaa uu si aad ah uga biyo diidsan yahay heshiskii Garoowe, isla markaana qorsheeynaya in heshiiskaas lagu soo diido baarlamaanka Soomaaliya, si aanu u dhaqan gelin, waxaana fekerkan la qabo guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Cismaan Jawaari.

Inta badan khubarada ka faalooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa u arka in Madaxweynaha uu rabo in uu daahiyo habsi u socodka doorashada si uu u helo muddo kororsi inta ka horreysa Sept 2016.

R/W CC ayaa la filayaa in uu berri u socdaalo wadamada Imaaraadka iyo Turkiga, waxa uuna welwel badan ka qabaa in shirkan madasha uu fashilmo.