Somaliland Laamaha ammaanka, Garsoor iyo Caddaaladda dad ku ma u siman yahay?! Qoraa Cabdinaasir Axmed Ibraahim

0
89

“ Marka muwaadin reer Somaliland lagu xad-gubo sharafkiisa,qiimahiisa,dadnimadiisa iyo jiritaankiisa ee ka uu ka xishoodo in uu gacantiisa sharciga ku fushado una soo ordo dhinaca sharciga isagoo ixtiraamaya xeer-wadarreedka  Qarannimadu ku dhisan tahay, haddii xukuumaddu ka caga-jiido muwaadinkaa goortaa ‘Dawladnimadeena waxaa ku dhacay FAALIG dhinac bakhtiiyay! “ Harraad ba’an ayay shacab weynaha reer Somaliland u qabaan helitaanka hoggaan garsoor oo caddaalad ummadda deeqsiiya intii tamartiisa ah.

dacwadaMar na shacabku ma helin dawlad dhexe oo ay ka go’an tahay soo xulista garsoor wanaagsan oo daacad ah, xukuumadduna aanay faro-gelin oo shaqadiisa u madax-bannaan. Dhacdooyinka ma-hadhada ku xardhan ee hab-dhiska caddaaladeed ee xukuumaddan uu gadh-wadeenka ka yahay madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” waxa ugu mudan oo aan soo xigan karaa; kiiskii wasiirkii hore ee madaxtoonyada Xirsi Xaaji Cali Xasan uu gabadhii farriinta ku soo cayday u gudbiyay  maxkamadda Gobolka Maroodi jeex. Su’aalo badan ayaan qof ahaan iska weydiiyay, waxa aanan ku jiray dadkii arrintaa wax qoray,  suurto galnimada sida caddaalad ay u siman yihiin u wada heli karaan mid ka mid ah masuuliyiintii xukuumadda ugu awoodda badanaa iyo gabadh shacab ah.

Dal Bariga Afrika ku yaal! Xirsi gal-dacwadeedkiisu wuxuu daaranaa in muwaadinad reer Somaliland ah sharaftiisa meel uga dhacday,farriintaa damaqday ee Xirsi ku kaliftay  in uu laamaha ammaanka iyo garsoorka u dacwooda gabadhu saxaafad uma soo marin ee farriin ay tilifoonkiisa gacanta ugu dirtay ayay ahayd! “Waxa is weydiinteeda leh haddii muwaadin lagu xidhi karo farriin af-lagaado ah oo uu muwaadin kale u diray, bal aynu is weydiinno muwaadinka, muwaadin kale been abuur ka sameeyay ee ku tilmaamay cunsirka ugu xun ee qof Aadmi ah lagu tilmaamo waa argagixisonimo e . ” Haddii qofka dambigaa sameeyay wax ba laga weydiin waayo dambigaa qaradaa leh, ma isa sii weydiin karnaa noocyada awoodaha uu adeegsado ee garsoorka iyo laamaha ammaanku waxba uga qaban la’ yihiin uga na habranayaan?

! Waxa kale oo halkaa ka dhalan kara si muwaadinku u gaadho darajo sharcigu aanu qaban karin oo ka sarreysa inta ay gaadho awood gacanta sharcigu wax ka qabato maxuu muwaadinku u baahan yahay?  “Muuq baahiyaha Horn Cable ayaa darajadan gaadhay in qofka ka shaqeeya aanu sharcigu qaban Karin!” Ururuka Suxufiyiinta ee SOLJA ayaa dacwad ka dhan ah Muuqbaahiyaha Horn Cable u gudbiyay Maxkamadda Gobolka, waxaanay ku eedeeyeen in uu ka qayb galay shir Saxaafadda Somaliland diidday  ka qayb galistiisa, laf jabna ku ahaa qarannimada Somaliland, waliba waxuu Horn Cable shirkaa ka qayb galay isagoo matalaya Saxafadda Somaliland. Illaa hadda Maxkamaddu dhag jalaq uma siin gal-dacwadeedkaa ay furteen Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA. Halkaa marka aynu joogno maalmo yar uun haddaan dib u tirino waxa aad dhammaantiin marag iiga tihiin markii kooxda Xiddigaha Geeska ka soo heestay Muqdisho Dawladdu waxa ay kaga fal celisay Xadhig.

Halka Agaasimaha Horn Cable na madaarka lagu soo dhoweeyay, marka aan nahay dad nool fikiraya waan is weydiinaynaa farqiga u dhexeeya muwaaddinnimada Nimcaan Hilaac oo fannaan ah iyo Maxamed Ilig oo suxufi ah! Macnaheedu waa midna sharciga ayaa qabta midna sharciga ayuu ka sarreeyaa. Bil iyo toban maalmood ka hor ayaan  madaxda qaranka ee hoos ku xusan aan codsigan  u gudbiyay; Ku: Wasiirka Amniga Mudane  Maxamed Muuse Diiriye. Og: Wasiirka arrimaha Gudaha Mudane  Cali Maxamed Waran-cadde. Og:Wasiirka Caddaaladda Mudane  Axmed Faarax Cadar Og:Guddoomiyaha Maxkamadda Sare mudane Aadan Xaaji Cali Og: Taliyaha Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaa Og: Taliyaha C.I.D-da  Mudane Xasan Muuse Abraar Og: Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA Mudane :  Maxamuud Cabdi Jaamac” Xuuto” Cabdinaasir Axmed Ibraahim; anigoo ah muwaadin reer Somaliland ah, mihnaddiisuna tahay”Qoraanimo,” anigoo laamaha ammaanka iyo garsoorka rajo weyn ka qaba in aan caddaalad ka heli doono. Anigoo rumaysan in sharciga muwaadinniinta reer Somaliland u siman yihiin. Iyadoo sharaftayda sumcaddayda iyo qofnimada meel laga dhacay oo la igu sheegay wax aanan shaqo ku lahayn oo argagixiso-nimo ah.

Waxa aan masuuliyiinta ugu sarsareeya Qaranka ee arrintani khusayso ka codsanayaa in aan caddaalad ka helo eedaynta uu Agaasimaha Horncable TV ii soo jeediyay ee ah “In aan ururka Al-shabaab la shaqeeyo, kana dambeeyay Qaraxii Djibouti, sirdoonka dalka Ethiopia-na uu Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland warkayga soo gaadhsiiyay, hasa yeeshee, Wasiirku adeernimo igu soo qaban waayay…” Qoraalkan oo uu ku daabacay mareegta magaceedu yahay Somalireports.com.Taariikh.9.3.2016. Lingaxan, lifaaqa warqaddan oo faahfaahsanna xagga dambe

http://www.somalireports.net/2016/03/deg-deg-sirdoonka-ibtoobiya-oo-somaliland-uga-digay-mid-ka-mid-allshaab-oo-ku-lug-lahaa-qaraxii-jabuuti-iyo-wasiir-waran-cade-difaacay/ Deg deg ; Sirdoonka Ibtoobiya oo Somaliland uga Digay Mid ka mid Allshaab oo Ku Lug Lahaa…Hargeysa(Somalireports) Ciidamada Sirdoonka Dalka aynu Jaar nahay Ee Ibtoobiya ayaa, Somaliland uga Digtay mid ka mid Xubaha ugu Firfir Coon Xarkada ALLSHAAB oo kusugan Magaalada Hargeysa Mudan ku … somalireports.net Mareegta macluumaadkeedu hoos ku xusan yahay oo uu leeyahay Agaasimaha Horn cable TV.;   Domain Name: SOMALIREPORTS.NET Registry Domain ID: 1866958425_DOMAIN_NET-VRSN Registrar WHOIS Server: whois.tucows.com Registrar URL: http://tucowsdomains.com Updated Date: 2015-08-15T20:32:22Z Creation Date: 2014-07-15T11:10:06Z Registrar Registration Expiration Date: 2016-07-15T11:10:06Z Registrar: TUCOWS, INC. Registrar IANA ID: 69 Registrar Abuse Contact Email: Registrar Abuse Contact Phone: +1.4165350123 Reseller: iPage Domain Status: ok Registry Registrant ID: Registrant Name: Mohamed Abdillahi Registrant Organization: Mohamed Abdillahi Registrant Street: 26 June District Registrant City: Hargeisa Registrant State/Province: NA Registrant Postal Code: Registrant Country: SO Registrant Phone: +1.2634423027 Registrant Phone Ext: Registrant Fax: Registrant Fax Ext: Registrant Email: Registry Admin ID: Admin Name: Mohamed Abdillahi Admin Organization: Mohamed Abdillahi Admin Street: 26 June District Admin City: Hargeisa Admin State/Province: NA Admin Postal Code: Admin Country: SO Admin Phone: +1.2634423027 Admin Phone Ext: Admin Fax: Admin Fax Ext: Admin Email: Waxa aan kiiskayga ogaysiiyay hay’addaha xuquuqul Insaanka ee heer degmo, heer gobol iyo heer caalami waxaanay ballan qaadeen in ay kormeeridoonaan sida aan caddaalad u helo. Iyagoo warbixinna ka soo saari doona haddii aan caddaalad waayo, Kama wanaagsani, kama sharaf badan, kama karti badan, kama mudni kumannaanka qof ee ay ku jiraan dadka waaweyn ee tamarta daran ee caddaaladda ka waayay garsoorka Somaliland. Marka anigoo xidhiidho badan leh, is difaaci kara, wax qori kara aan sharciga ka waayo garab garan mayao sida ay hooyo goblin ahi xaqeeda ku uga heli karto garsoorka. Mee garsoorkii la lahaa uu hagaaga? Meeday caddaaladdii Somaliland?