Xukuumadda Somaliland oo dib u Cusboonaysiisay Heshiiskii Rayaale la galay Itoobiya ee ay ka Baxday

0
153

Heshiiskaas waxa la galay Itoobiya Maareeye Cali Xoor-xoorka kana soo saxeexay

MADAXWEYNEYAALHargeysa(Waaheen) Xukuumadda Somaliland iyo Dawladda Itoobiya ayaa toddobaadkan wada saxeexday Heshiis ku saabsan isticmaalka Dekedda Berbera,kaasoo ay in muddo ah ka wada shaqaynayeen laba guddi farsamo oo ay labada Dal mid  ba gaarkeeda u magacawday, kuwaas oo kulamo waaweyn ku kala yeeshay labada Dal magaalooyin ka mid ah.

Heshiiska labada Dhinac ay wada saxeexdeen ayaa la mid ah kii ay Xukuumaddii Madaxweyne Rayaale la saxeexatay Dalka Itoobiya, balse Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo markii ay talada kala wareegtay Xisbigii UDUB muddo kooban kadib ka baxday.

Heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ee ah Isticmaalka Dekedda Berbera waxa uu isugu jiraa laba waji, kuwaas oo kala ah in Itoobiya Mucaawinooyinka soo marsato Dekedda Berbera. Ka kale na waxa uu yahay mid ganacsi oo ganacsatada dalkaasi ku soo marsanayso marsada berbera alaabaha ay u Iib-gaynayaan Dalkooda.

Heshiiska hore ee Mucaawinooyinku mar naba kamay istaagin in la soo mariyo Dekeda Berbera, hase yeeshee ka ganacsiga oo ahaa mid aah sidaa usii weynayn waxa joojiyey masuuliyiin ka tirsanayd wasaaradda maaliyadda kuwaas oo si qaldan ugu turjumay sida la sheego wasiirkii Maaliyadda ee wakhtigaasi oo ahaa Maxamed Xaashi Cilmi.

Shixnado badan oo ay lahaayeen ganacsatada Itoobiyaanka ah ayaa wakhtigaas lagu xanibay Dekedda Berbera, hase yeeshee Dawladda Itoobiya oo xidhiidh la soo samaysay wasaaradda Madaxtooyadda ayaa loogu sii daayey alaabahaas kadib markii ay ganacsatada Itoobiyaanka ah oo u badnaa Somalida Itoobiya iyo Oromada ay dacwadaasi u gudbiyeen Madaxdooda Itoobiya.

Wasiirkii hore ee wasaaradda Arrimaha Dibeda Maxamed C/laahi Cumar ayaa dhawr jeer oo caqabado noocaas ahi soo baxeen ugu safray Dalka Itoobiya, hase yeeshee farriimo badan oo uu ku dalbanayey in la tixgaliyo Heshiiskaas iyo xidhiidhka Itoobiya inala leedahay waxa diiday Maxamed Xaashi, taasoo markii danbe sababtay in ganacsatadii Itoobiyaanka ahayd ka guurto Somaliland.

Tan iyo Xilligaas Xukuumadda Somaliland wax horumar ah kamay samaynin codisga Itoobiya kulamadii ay labada dhinac yeesheena dhawr jeer oo ay isla soo dhawaadeen waxay mar walba ka xagal daacaysay dhinaca Somaliland oo ay masuuliyiinteedu ku kala aragti duwanaayeen qaabka Heeshiiska loola galayo.

Tusaale ahaa Maareeyaha Dekedda Berbera Eng Cali Xoor xoor oo heshiiskaas hore u saxeexay Xukuumaddii UDUB waxa uu aaminsanaa Heshiiskaasi in uu faa’iido u yahay Somaliland hase yeeshee masuuliyiintii Kulmiye ee xilka qabatay waxay meesha markii hore kaba saareen Cali Xoor xoor oo ay u arkayeen in uu ahaa UDUB yahanadii ugu adkaa ee dagaalka adag la galay wakhtigii ay mucaaradka ahaayeen.

Sidoo kale, maadaama oo uu Cali Xoor xoor ahaa masuuliyiintii ugu badnaa ee ay dhaliili jireen nidaamkiisa maamul mar-naba may jeclaysan in uu la shaqeeyo, wallow muddo kooban kadib ay ka maarmi waayeen oo ay xilkii ku soo celiyeen, inkasta oo heshiiskaas oo ahaa talaabooyinka ugu muhiimsanaa ee Cahdigii Rayaale la galay ay meesha ka saareen.

Illaa wakhtigaas oo uu xilka ku soo noqday oo wadahadalada Itoobiya iyo Somalilad ee Isticmaalka Dekedu socday hadana afkaar ahaan mar walba masuuliyiinta Kulmiye kumay qanacsanayn Dooda Cali xoor xoor ee ah inay faa’iido Somaliland ugu jirto inay dekedooda Istimaasho Itoobiya, hase yeeshee waxay aakhirkii ku soo dhaceen wadahadaladu aragtidii Cali Xoor xoor, inkasta oo ay wakhti dheer ku qaadatay inay ku qanciyo Heshiiskan.

Doodii ugu badnayd eek ala kicisay mar dhexdaas ah oo ay labada Guddi isku soo dhawaadeen waxay ahayd aragti Itoobiya soo bandhigtay oo ahayd inay Xoolaha Dalkeeda ku nool ka dhoofiso Dekeda Berbera, iyadoo wakhtigaas dhinaca Itoobiya uu soo adeegsaday mid ka mid ah ganacsatada Carbeed eel eh Maxjarada Berbera midkood, hase yeeshee Somaliland arrintaas waxay u aragtay mid Doc wareemaysa Xoolaha ka dhoofa Dekedeeda oo ay u arkaysay inay wiiqayso Cashuurta ka soo gassha Moosinka Xajka oo ah Isha Dhaqaale ee uu ku tiirsan tahay Miisaaniyad sanadeedka ay Somaliland ku tiirsan tahay.

dhinaca kale, is mari waaga Somaliland iyo Itoobiya u dhaxeeyey waxa ay Somaliland ku weyday Dhaqaale Midawga Yurub ku bixin lahaa dhismaha Jidka isku xidha labada Dal, kaasoo ay Dawladda Itoobiya danaynaysay inay dhisto maadaama ay awood u leedahay dhismaha jidkaasi oo ay illaa hada taagan tahay baahidiisa ah in dib loo dhiso.

Si kasta ha ahaatee Afar sano kadib heshiiskii Xukuumadda Kulmiye ka baxday oo dib usoo noqday wuxuu yahay Guul Somaliland iyo Itoobiya ba wada maali doonaan, maadaama labada Dal dano badani ka dhaxayso, Gaar ahaan Somaliland oo u baahan ku tiirsanaanta Itoobiya oo in badan cadawgeeda naafeeyey, markii uu waayey meel uu ku xagal daaciyo.