Hay’adda African Educational Trust Oo Shahaadooyin Guddoonsiisey Ardaydii Ka Qallin-jabisa Machadka Tababarka Macalimiinta

0
123

85Hargaysa(Waaheen) Hay’adda African Educational Trust oo shahaadooyin gudoonsiisey ardaydii ugu horeysay ee ka qalin jabisa machadka tababarka macalimiinta qaranka jamhuuriyada Somaliland. Munaasibadan shahaadooyinka lagu gudoon-siinayey ayaa waxa manta   lagu qabtay Hoteel imperial ee magaalada hargaysa, waxaana ka soo qayb-galay wasaarada wax-barashada ,masuuliyiin ka socday hay’adda African Educational Trust. Ardayda qalin-jabineysay ugu horey waxa tababarkan iyo ujeedooyinkiisa faahfaahin ka bixiyey madaxa mashaariicda Hay’adda African Educational Trust , Maxamed C/laahi Maxamed waxaanu yidhi”  waxa uu sheegay in  hay’addani ay wasaaradda ka la waday mashruucan, waxaanu ku guulaysanay macalimintii ku soo xul-no institutionkii wax-barashada , ardaydani waxa ay noqonayaa ardaydii ugu horeysay ee dhamaysatay tobabar machadka macalimiinta Qaranka, muddadan bisha ah waxa ardayda lagu barayey saddex hab oo kala ah;

Habka maamulka ardayga ,Cilmi nafsiga iyo Wax-baridda ardayga.”

Waxa kale oo halkaas ka hadlay garab matalayey macalimiinta tababarka dhamaysatay Ismaaciil Ibraahim Warsame waxaanu yidhi “  waxaan ku hadlayaa magaca macalimiinta maanta tobabarka loo xidhaayo, mahad-naq iyo bogaadin heer-sare ah waxaaan halkan uga gudbinayaa wasaaradda wax-barashada tobabarkan kor loogu qaadaayo macalimiinta wax-barashadooda, waxa aan si gaar ah ugu mahad naqayaa ugu ammaanayaa in aan abbaal u hayno hayadda wax-barashada African Educational Trust illaa 20 sano intaa taageeraysay  oo maantana nasoo gaadhsiisey in wasaarada ay la xidho tababarkan, waxa kale oo si weyn ugu mahad naqayaa macalimiinta duruusta na siin jirtay sida joogtada ah hagarla’aanta ah iyaga oo nooga faa’iideeyey , waxaana wax- u bari doonaa ardaydayada sidii wax-na loo soo baray, assallaamu calaykum”.

Maxamed C/laahi Buuni oo ah Maamulaha machadka tobabarka  ayaa faahfaahin ka bixiyey marxaladihii kala duwanaa ee ay la soo mareen intii tobabarkaasi la siinayey macalimiinta,

Xasan Ahmed Ibrahim( embassy) oo ah madaxa hay’adda African Educational Trust ayaa u hambalyeeyey ardayda dhamaysatay tobabarkan waxaanu sheegay in ay faa’iido weyn u leedahay bulshada reer Somaliland waxaanu kula dar-daarmay ardayda dhamaysatay tobabarkan in ay uga faa’iideeyaan bulshadooda, Xasan embassy waxa uu ku dheeraaday faa’iidada ay wax barashadu u leedahay bulshada waxaanu sheegay in ay door weyn ka ciyaarto nabad-gelyada iyo xasiloonida dalka.  ujeedada iyo hadafka laga lahaa tobabarkani waa in si deg deg ah oo kooban wax loo bari karo dadka aan fursadda u helin in ay wax-barasho toos ah hellaan hadaba macalimiintan loo tababaray maamulka iyo macillinimada waxa ay wax- weyn ka tari doonaan baahida ay bulshadu u qabto wax-barashada”.

Waxaa sidoo kale halkaa ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda  Wax-barashada Khadar

Waxa uu si weyn u soo dhaweeyey tobabarkan ay dhamayteen ardayda macalinimada loo tobabaray waxaanu til maamay in ay dabooli doonto baahiyaad badan , Agaasimaha Guud waxa uu ku dheeraaday sida uu dalku ugu baahan yahay wax barashada Dad-ban oo ay ka faa’iidaysan karaan dadka aan wakhtiga u helin wax barashada tooska ah, waxaanu ugu baaqay jaamacadaha dalka in wixii labaatan jir ka weyn ay u tix galiyaan aqoontooda.