Nin Diyaarad u Af-duubay si uu Xaaskiisa oo Muddo kala Maqnaayen uu u Helo

0
82

Madaxwaynaha Qubrus, Nicos Anastasiades ayaa sheekada Ninkaasi ku tilmaamay waxa lagu qoslo, isla markana sheegay in aanu Argagixiso ahayn

51Hargeysa(Waaheen) Ninkii afduubtay diyaaradii Masar dhexdeeda u kala safraysay ayaa isdhiibay oo la xidhay, waxanu markii la qabtay uu Dawlada Qubrus u sheegay in sababta ku kaliftay in uu soo afduubo diyaradaasi ay ahayd in uu helo Xaaskiisa oo muddo ay kala maqnayen, isaga oo sheegay in aanu haysan sharci uu dalkaasi ku yimado sidaasi daradeed uu u soo afduubay diyaaradaasi.

Diyaaradaasi oo ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee EgyptAir, ayaa lagu qasbay in ay ku dagto garoon ku yaala Qubrus.

Diyaaradda ayaa ahayd nooca loo yaqaano Airbus A320, lambarka duulimaadkeedu wuxuu ahaa MS181, waxayna waday 81 qof oo rakaab ah.

Ninkan ayaa markii uu afduubayey Diyaarada sheegtay in uu xidhan yahay sun qarax isla markan uu is qarxinayo hadii diyaarada laga dajin waayo Qubrus.

Madaxwaynaha Qubrus, Nicos Anastasiades ayaa ninkaasi sababta uu diyaarada u soo afduubay ku tilamaamay waxa lagu qoslo ka dib markii ninkii sheegay in uu doonayo xaaskiisa oo ku nool dalkaasi in uu la midoobo.