“Awrku Xamilkiisa Wuu Qaada Laakiin Xadhig Qaloocan ma Qaado, Siilaanyona Xadhig Qaloocan ayuu Nagu noqday” Xuseen Axmed Caydiid

0
142

s Hargeysa(Waaheen) Af-hayeenka Isbahaysiga Dimuqraadiyad doonka Kulmiye Xusen Axmed Caydiid horena u ahaa Wasiirkii hore ee Cadaalada ayaa sheegay in uu Madaxweyne Siilaanyo uu ku noqday Xadhig qaloocan, waxanu ka sheekeyey taariikh kala duwan oo ay isla soo  mareen Madaxweyne Siilaanyo.

Xusen Axmed dhanka kale waxa uu sheegay in meel fiican ay marayaan wadahadladii u socday iyaga iyo Xisbiga Mucaaridka ee Waddani.

Xusen Axmed Caydiid oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uuu yidhi. “Madaxweyne Siilaanyo in badan ayaanu wada hawl galnay ilaa SNM ayaan ku soo gaadhay isaga oo Gudoomiye ah, hadana 1993-kii ayaanu Golaha Barlamaanka soo wadagalnay, marka madaxweyne siilaanyo raga iskugu dhawdhaw ayaanu ahayn, waxa kale oo aanu muddo dheer ku soo wada jirnay xisbiga Kulmiye, muddo shan sanno iyo dheeradna wasiirbaan u soo ahaa, Somalidu waxay ku maahmahda Awrku xamilkiisa wuu qaada laakiin  xadhig qaloocan ma qaado, marka Siilaanyo ayaa hadhig qaloocan nagu noqdo sababtu noogu noqdayna waxa ay ahayd isaga oo muddo 5 sanno ah nagu lahaa waxan ahay murashax oo shanta sanno raggii Muuse isgaracayen aan anigu ugu horeyey, oo aanan murashax anigu ahayne, balse  aan Axmed Siilaanyo ilaalinayey in isaga oo aan waxba I waydiin uu igu yidhaahdo Muuse ayaan qaatay, oo aan uga hadhay oo siiyey, basle ka hor madaxweyne Siilaanyo  10 jeer ayaanu waydiinay  oo aan ku nidhi madaxweyne muuse miyaad uga hadhay, oo uu yidhi taasi ma jirto oo umada u cadeyey in uu murashax yahay, ilaa shirkii uu muuse gacanta ugu taagay wax ka horeya aanu odhan waan ka hadhay hawshaasi, marka xadhig qaloocday ayuu nagu noqday talo ayaa naga dhexeysay, marka in aan xaal galiyo ama raali galiyo meesha kama muuqate ninka meel ka dhaca tirsanayaa waa aniga”Ayuu yidhi.