Xarunta Jaamacada Admas Oo Lagu qabtay Kulan lagu Xoojinayo isku Xidhka Ardayda Dugsiyada Sare

0
37

Waxa si wada jir ah soo qaban qaabiyey Jaamacada Admas iyo Ururka SYF

DSCF4377Hargeysa(Waaheen)Xarunta Jaamacada Admas ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa lagu qabtay Munaasibad Balaadhan oo ay isugu yimaadeen Ardayda wax ka barata Dugsiyada Sare ee Dalka, Kulankan Oo ay Ujeedadiisu ahayd is dhax galka Ardayda Dugsiyada Sare ee Berbera, Hargeysa, Borama iyo Gabiley ayaa waxa iska Kaashada Jaamacada Admas iyo Ururka Isku Xidhka Dhalinyarada ee SYF.

Kulankan ayaa waxa ka soo qayb galay Madax ka socotay Wasaarada Waxbarashada, Masuuliyiinta Jaamacada Admas iyo Hogaanka Ururka isku Xidhka Dhalinyarada ee SYF.

Gudoomiyaha Ururka isku xidhka dhalinyarada ee SYF Cumar Cabdi Xasan oo furitaankii kulankaasi faah faahin ka bixiyey ayaa waxa uu sheegay inay Dhalinyada ku dhaqan gobolada Dalka ee ku jira Dugsiyada sare u baahan yihiin is dhex gal xoog ah si ay isaga kaashaadaan dhinacyada kala duwan ee Aqoonta.

Xubno u kala Hadlay Dhinacyada Ardayda  Sugsiyada sare ee ka kala socday Gobolada Hargeysa, Berbera, Boorama iyo Gabaliyey ayaa aad u soo dhaweeyey kulanka lagu xoojinayo is dhax galka Dhalinyarada kaasi oo ay sheegeen inay muhiimad balaadhan u leedahay dhinacyada Aqoonta, wax wada qabsiga iyo Horurmarka dalka.

DSCF4376

Dhinaca kale Masuuliyiinta ka socotay Wasaarada Waxbarashada ayaa aad u soo dhaweeyey kulankaasi waxaanay sheegeen in loo baahan yahay inay dhalinyaradu isku xidhnaadaan hadiyo goor si ay uga gudbaan oo ay isaga kaashadaan Caqabadaha soo foodsaara xiliyada ay ku jiraan marxaladaha kala duwan ee dhalinyarnimo iyo Dugsiyada sare iskana kaashadaan sidii ay u horumarin lahaayeen wadankooda, waxaanay masuuliyiintani amaan balaahdhan u jeediyeen ururka SYF iyo Hogaanka Jaamamacada Admas ee suurta galiyey kulankaasi.DSCF4372

Gaba Gabadii Maamulka Jaamacada Admas ayaa kulankaasi soo afmeeray Mr Xuseen Oo ku hadlayey Afka Maamulka Jaamacada Admas ayaa ku dheraaday Muhiimada ay leedhay inay Ardaydu is dhex galaan oo ay iska Gaashadaan waayahooda, waxaanu kula dardaarmay inay si wada jir ah oo isku duubni ku dheehan tahay u horu mariyaan Mustaqbalkooda iyo Mustaqbalka Wadankooda is ay u gaadhaan Hamigooda una hiigsadaan Mustaqbal ifaya.

DSCF4418 DSCF4417 DSCF4415 DSCF4408 DSCF4398 DSCF4399 DSCF4400 DSCF4406 DSCF4407 DSCF4391 DSCF4389 DSCF4387 DSCF4386 DSCF4385 DSCF4378 DSCF4381 DSCF4382 DSCF4383 DSCF4384 DSCF4373 DSCF4374 DSCF4375

DSCF4430 DSCF4429 DSCF4428 DSCF4426 DSCF4422DSCF4376 DSCF4377 DSCF4368 DSCF4369 DSCF4370 DSCF4371 DSCF4372 DSCF4367