Mudaharaad balaadhan oo ka dhacay Dalka Jabuuti

0
75

Jabuuti(Waaheen) Dad Badan oo Sita Sawirka Maxamed Daher oo Maanta Socod ku Maray Qaybo ka Mid ah Magaalada Jabuuti Dadkan oo gaadhaya Kumanaan Qof oo Sita Sawirada Maxamed Daher Rooble ayaa Maanta Socod ku maray Qaybo Badan oo ka mid ah Magaalada Jabuuti .

12916329_601130170038515_762099350401426515_oDadkani ayaa ku Dhawaaqaayay ereyo ay ka Mid ahaayeen Madaxwayne Ordogan Waxaan kaa Codsanaynaa in aad Sugto Nabad Galyada Maxamed Daher Roble iyo Sidoo kale ereyo ay ku Guubaabinayaan Dawlada Turkiga in ay Sugto amaanka Maxamed Dahir Oo Sida ay Hadalka u Dhigeen Looga Cabsi Qabo in Dawalada Jabuuti Loo Soo Gacan Galiyo . Maxamed Dahir ayaa ka Mid ahaa Raga Sida Wayn uga Soo Horjeeday Xakuumada Jabuuti Waxuuna inta Badan Wax ka Qoraa Arimo Fara Badan oo ka Midyihiin Xaalada Jabuuti iyo Mustaqbalka Shacabka .

Haba Sanadii 2013 Maxamed Dahir Waxuu ka Mid ahaa Ragii Sida wayn ugu Ol Olaynaayay Doorashadii Golaha Deegaanka ee ka Dhacday Dalka Jabuuti Taasi oo ay Xakuumada Jabuuti ay Jeelka u Taxaabtay Qaar ka Mid ah Culimada Dalka ugu Waawayn .

Wareegto ka Soo Baxday Madaxtooyada Jabuuti 02-09-2013 kii ayaa Maxamed Dahir Looga Qaaday Jinsiyadiisii Wadaninimo kadibna Waxaa Loo Masaafuriyay Somaaliland Taasi oo kama Danbayntiina ay u Suura gashay in uu Gaadho Dalka Turkiga , Maxamed Daahir Mudadii uu ku noolaa Dalka Turkiga Waxa uu Wax Badan Ka Qoraayay Xaaladaha Dhabta ah ee ka Jira Dalka Jabuuti isaga oo Fariimihiisa Badanaa ku Soo Bandhigaayay Baraha ay bulshadu ku kulmaan Taasi oo Keentay in uu Yeesho Shacbiyad Balaadhan oo Daalacata Qoraaladiisa .

12671911_601130126705186_447463447639558207_oHadaba Waxaa Mar Qudha Soo Baxay Warar Sheegaaya in Lawaayay Meel u ku Danbeeyay Waxaa Haatan Dadka arimihiisa Wax kala Socday ay Sheegayaan in Loo Badinaayo in Xakuumada jabuuti ay Codsatay in Dib Loogu Soo Celiyo Dalka Jabuuti