“Qofka Hadii Gardaro loola tago Waxbuu iska Cinayaa Faysal-na waxaanu iska yeeli doonaa wixii rag iska yeeli Jiray” Jamaal C. Xuseen

0
47

jamaalHargeysa(Waaheen):- Jamaal Cali Xussen  musharaxa  madaxweyne ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID waxa uu ka jawaabay hadlo mar dhaweyd ka soo yeedhay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe

 

Waxaana uu sheegay  Jamaal  Cali Xussen in  gudoomiye Faysal Cali Waraabe  aanu afkiisa kaga qaadi karin xilkiisii musharaxnimo isla markaan Faysal uu yahay shaqsiga loo adeegsanaayo burburinta xisbiga UCID .

Jamaal Cali Xussen  oo arimahan  ka hadlayaa waxaaa uu yidhi ”  arinta khilaafka xisbiga UCID waxaanu la tagi doona dhinca sharciga , hadii uu  sharcigu noo shaqeyn waayana  waxay nagu kalifeysaa waxii rag sameyn jiray in aanu sameyno qofka ibnu aadamka ah hadii la dhibo oo gar daro loola tago waxbuu iska celinayaa .

Markaas Faysaloow adiga iyo kuwa dabada kaa soo riixaya ee Muuse Biixi iyo  Maxamed Aw Siciidna waanu iska celin doona , adiguna gudoomiye noo noqo meysid  Faysal Cali Waraabna Waxii Rag Iska Yeeli Jiray Ayaanu Iska Yeeli Doona ” ayuu yidhi Jamaal Cali Xussen