Obama oo Jasiirada Cuba ku tagaya Booqasho Taariikhi ah

0
45

 

US President Barack Obama meets Cuban President Raul CastroCuba(Waaheen) Madaxweynaha Mareykanka Barack H. Obama oo ay la socdaan xubno ay ka mid yihiin; xaaskiisa iyo labadiisa gabdhood, ayaa ku tagaya shalay Cuba booqasho 48-saacadood qaadanaysa, iyadoo noqonaysa booqashadii ugu horeysay oo madaxweyne Mareykan ah uu ku tago waddankaas muddo laga joogo 88-sannadood.

Booqashadan ayaa timid kaddib markii labada waddan ay sannadkii 2014-kii ay si rasmi ah u soo celiyeen xidhiidhkoodii siyaasadeed, kaddib muddo Nus-qarni ah oo muran siyaasadeed uu u dhexeeyay. waxayna booqashadan ku timid kulan dhexmaray Barack Obama iyo Raul Castro, kaasoo ay uga hadleen xoojinta xiriirka labada waddan ee dariska ah.

Ciidammo fara badan oo amniga sugaya, ayaa la dhigay waddooyinka caasimadda Cuba ee Havana, iyadoo la xiray waddooyinka muhiimka ah, Halka shacab fara badan oo Cuban ah ay buuxiyeen Havana, si ay u soo dhaweeyaan madaxweyne Obama iyo wafdigiisa.

“Obama waa geesi… ogolaaday in uu soo celiyo xidhidhkii Mareykanka iyo Cuba,” ayuu ku yidhi hadal uu warbaahinta siiyay Elena Gonzalez oo ah 43-jir wax ka dhiga iskuul ku yaalla magaalada Havana.

Xukuumadda Cuba ayaa waxay weli ka cabanayaan xabsiga Guantanamo Bay oo ku yaalla qayb ka mid ah Jasiiraddooda, Xabsigaasoo uu horay Madaxweyne Obama u sheegay inuu albaabbada isugu dhufanayo, inkastoo aan weli la xirin.

Kala-aragti-duwanaashihii Mareykanka & Cuba u dhexeysay, ayaa la filayaa in Obama iyo dhiggiisa Castro ay uga hadlaaan casho-sharaf wafdiga Madaxweyne Obama Hanava loogu sameyn doono magaalada caasimadda ah ee Havana, oo labadoodu ay isku arki doonaan. Telefishinka Qaranka dalka Cuba, ayaa la filayaa in Madaxweyne Obama uu Salaasada  ka jeediyo khudbad toos ah, taasoo la filayo inuu ku falan-qeeyo khilaafyadii horay uga dhex-jiray labada waddan iyo sidii looga gudbi lahaa.