Somaliya iyo Puntland oo midi-ba ka kale ku Eedaynayso in uu ka danbeeyo qabsashada Alshabaab ee Xeebaha Puuntland

0
64

Wasiirka Amniga Puntland oo sheegay in dowladda federaalka Somaliya ay arrintan uga dan leedahay inay ku car-qaladayso doorashooyinka

Hargeysa(Waaheen) Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa dowladda federaalka Somaliya ku eedeeyay inay soo abaabushay ciidanka Al-shabaab ee qabsaday xeebaha Bari ee Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Somaliya ay Puntland ku abaabulayso kooxo argagixiso ah, iyadoo ku colaadinaysa diidmadii Puntland ee qaadashada habka awood-qaybsiga ee 4.5-ka, ee lagu saleeyay doorashada dalka ka dhici doonta sannadkan dabayaaqadiisa.

“Waad og-tihiin Puntland muddo dheer waxay la dagaallamaysay argagixisada nooc kasta oo ay tahay, balse duullaanka nalagu soo qaaday kama gacan  madhna dowladda federaalka Soomaaliya,” ayuu yidhi wasiir Qar-jab.

Sidoo kale, Wasiirka Ammaanka maamulka Puntland ayaa xusay in dowladda federaalka Somaliya ay arrintan uga dan leedahay inay ku car-qaladayso doorashooyinka Somaliya la filayo inay ka dhacaan sannadkan 2016-ka.

Ugu dambeyn, Wasiirka Amniga ayaa sheegay in shacabka Puntland iyo maamulkooda ay is-difaaci doonan, isagoo shacabka ugu baaqay inay amaanka Puntland ka shaqeeyaan.

Dhinaca kale, Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa maleeshiyaadka Al-shabaab ee qabsaday Degaanada Puntland gaar ahaan degaanka Garacad iyo Garmaal oo ka kala tirsan Gobolada Nugaal iyo Mudug ee Puntland.

Wararka qaar waxa ay sheegayaan in maleeshiyaadkaasi ay halkaasi kala soo dagayaan Hub iminka wadada ugu soo jira, islamarkaana ka imanaya dhanka Yemen.

Hubka usoo dagaya ayaa la sheegay in loo sii daabuli doono dhanka Buuraaleyda Galgala oo iminka ay ku hadhsan yihiin Maleeshiyaadkii ka goostay Al-shabaab kuna biiray Daacish.

Maleeshiyaadkani oo ku dhow ilaa 200 ayaa waxa ay markoodii hore kasoo baxeen Xeebaha Xarardheere iyo Ceel-huur ee Koofurta Gobolka Mudug, kuwaas oo Doomo ku tagay halkaas.

Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in maleeshiyadaani soo bixitaankooda ka hor ay xidhiidh la sameeyen maamulka Puntland, iyaga oo ku wargaliyay inay kusoo wajahanyihiin Deegaanadooda balse aanay aheyn kuwo duulaan ku ah maamulka.

Maleeshiyaadkani ayaa la sheegayaa in Maamulka Puntland ay ku wargaliyeen inay yihiin sama-doon islamarkaana ay ku wajahan yihiin Buuraha Galgala oo ay kasoo gali doonaan kor.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Maleeshiyaadkaasi ay deegaanada Puntland ku dhex jiri doonaan muddo 7 cisho ah, waxa ayna Maamulka Puntland u ballanqaadeen inaanay dhibaato u geysan doonin dadka iyo maamulkuba.

Sidoo kale, Maleeshiyaadkani ayaa la tilmaamayaa in dhawaan ay ka goosteen Al-shabaab taasi oo ay sabab u tahay inay qaataan nabada oo aanay dagaal doon aheyn.

Docda kale, waxaa jira warar hoose oo sheegaya in qorshaha socdaalka maleeshiyada ay wax badan kala socto Puntland, balse si aan looga shakiyin eeda dusha u saartay Dowlada, waxaana jira warar sheegaya in Saraakiil ka tirsan maamulka ay hagayaan Maleeshiyaadkaasi ogolaanshiiyaha ka heysta maamulka Puntland.