Dalka Waqooyiga Kuuriya Oo Mar Labaad Riday Gantaalo

0
114

Hargeysa(Waaheen) Meleteriga Koonfurta Kuuriya waxaa ay sheegeen in dowlada Waqooyiga Kuuriya ay riday gantaalada ridada gaaban ee balastiga ah.

Waxaana gantaalaha lagu tuuray bariga xeebaha bada ee dalkaasi waqooyiga Kuuriya.

Gantaalaha ayaa masaafadooda waxay gaaraysaa 500km , Dowladda Japan ayaa dhankeeda cambaareysay talaabadan ay qaaday dowladda Waqooyiga Kuuriya.

Maalinti shalay ahaydna Hogaamiyaha dalkaasi Kuuriyada Waqooyi Kim Jong UN ayaa sheegay in millitariga dalkiisa ay guuleysteen.

Waxayna sameyaan bam nukliyeer oo wax laga gelini karo madaaficda la tuurayo.

Laba maalmood ka horna Kuuriyada Woqooyi waxaa ay u hanjabtay Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.

Waxaa ayna sheegtay inay qaadi doonto weerar lagu hoobto oo hubka Nukliyeer ka ah, waxayna waqooyiga Kuuriya bilaabeen dhoolatus milatari oo aan noociisa hore loo arag.

Hadallada noocan ahi ma aha kuwo cusub, in ay kuuriyada waqooyi sheegato in ay hagaajisato Nukliyeer iyo Gantaalada ridada gaaban.

 

Khubarada arimahan la socdana waxay shaki galiyeen awoodda ay Woqooyiga Kuuriya u leedahay in ay gantaaladeeda ku rakibi karto madaxyo Nukliyeer ah

Dalka Waqooyiga Kuuriya Oo Mar Labaad  Riday Gantaalo