Kenya oo u soo Gacan-galisay Somaliya Siyaasi ay Raadinaysay

0
90

 

Hargeysa(Waaheen) Wararka ay heshay Warbaahinta ayaa xaqiijinaya in Dowladda Somaliya ay gacanta ku dhigtay, Siyaasiga Cabdi Nuurre Siyaad ( Cabdi Waal) oo xiliyadii danbe ku sugnaa Dalka dibadiisa. Cabdi Nuurre Siyaad ayaa laga qabtay Dalka Kenya shalay , waxaana wararku sheegayaan in Ciidamada Kenya ay u gacan u galiyeen Dowladda Somaliya. Warka ayaa intaa ku daraya, in Cabdi Nuure Siyaad in kiiniya laga qaadi iyadoona losoo duuliyay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa  si aad ah u doon dooneysay, isla markaana uu horey uga baxsaday Cabdi Nuure Magaalada Muqdisho xilli ay Dowladda isku dayday in qabato oo ay weerar ku qaadeen Hoygiisa Ciidamada Dowladda.

Cabdi Nuure Siyaad Cabdiwaal, ayaa xiligaa kadib tagay Gobolada dhexe ee Somaliya gaar ahaan Degmada Guriceel, wuxuuna qayb ka ahaa Dagaalkii ay Ahlu-sunna ama Maamulka G/dhexe uga saareen Ciidamada Dowladda Somaliya Degmooyinka Guriceel iyo Dhuusomareeb.