Doon habeen hore ku gubatay dekedda Berbera

0
65

IMG-20160304-WA0001Berbera(Waaheen) Doon ku xidhnayd xeeliga dekedda Berbera oo laga shaqaynayey ayaa dab qabsaday, taasoo ku shuf beeshay goobtii ay taalay oo lagaga shaqaynayey.

Lama garanayo cida ka danbaysay Dabkaasi gubay doonta, hase yeeshee wararka laga helayo ayaa sheegaya in ay ku soo beegantay gadood ka dhashay soo qabashada kooxdii dishay taliye casayr oo dadka reer berbera lagu kiciyey in qaarkood la dilay, taasoo sababtay inay isku soo bax sameeyaan.

Doonta gubatay oo uu leeyahay nin la yidhaa Cali Ducaale ayaa ahayd nooca doonyaha shixnadaha qaada waxaanay qaadaysay 400 tn, illaa hadana ma jirto cid loo qabtay ama loo aanaynayo gubashadeeda, wallow lala xidhiidhinayo isku soo baxa habeen hore in loo adeegsaday.

Cali Ducaale oo ah ganacsade reer Somaliland ah oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa sheegay in Doontiisu gubatay, isaga oo xusay in Doontiisu ka soo baxsanayd badweynta, sababta xeeliga ay u keeneena ay ahayd dayactir.

Xukuumadda Somaliland ayaan illaa hada ka hadal dhacdadan iyadoo ay jiraan duruufo adag oo ay la tacaalayso oo ah daminta xiisada ka taagan Gobolka Saaxil.