“Anigu dadkaan Af aqaanay ee Xoolaha ma Af aqaano” Wasiir Cukusse

0
145

Hargeysa(Waaheen)Wasiir hore ee wasaarada warfaafinta Somaliland oo dhawaan madaxwayne siilaanyo usoo magacaabay wasiirka wasaarada xanaanadda xoolaha Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir CUkuse ayaa munaasibad uu xilka kula waareegayay ka sheegay inaanu khibrad iyo aqoon u lahayn wasaaradan losoo magacabay balse uu kaashan doonaa khubaradda ku xeel dheer aqoontatana u leh  xanaanada xoolaha, sidoo kalena wasiir cukuse ayaa ballan qaaday inuu ka shaqayn doono sidii uu dalka Somaliland ugu horumari lahaa dhanka xoolaha, sidoo kalena ay xoolaha dalkeenu u heli lahaayen daryeel ku filan waxaana uu yidhi.

“Dad baa Waxay  igu yidhaahdeen dadka ayaad af-taqaanay Cukusow  ee Xoolaha miyaad af-garanaysaa waxaan leeyahay maya ma af-garanayo laakiin masuuliyiinta iyo khuburrada wasaaradda ayaan la tashanayaa oo aan wax waydiinayaa oo aanu wada jir shaqada u wada qabanaynaa waxaanan u wada shaqaynaynaa in xooleheenu ay daryeel joogto ah helaan”sidaas ayuu yidhi wasiir Cukuse.

Sidoo kalena wasiirku isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ka codsaday shaqaale waynaha wasaarada xanaanadda xoolaha inay la shaqeeyaan isagoona carabka ku dhuftay inuu waxi tallo ah ee ay usoo jeediyaana uu qaadan doono waxaana uu yidhi.

“Shaqaalaha waxaan ka codsanayaa inay ila shaqeeyaan waayo qofna garbo la’aan ma duulo markaa dee shaqaalaha wasaaraduna waa inay igala shaqeeyaan sidi aan isku af garan lahay xoolaha dalka, waxii tallo ah ee ay isoo jeediyaan khuburadda iyo shaqaalah ku xeel dheer shaqada xanaanada xoolahana waa qaadanaya insha allah”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay wasiir Cukuse