Gudoomiye Ku-xigeenka Golaha Guurtida oo Shaqadii Ka Joojiyey Xoghayihii Golahaasi.

0
79

siciid-44Hargeysa(Waaheen) Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Golaha guurtida Siciid Jaamac Cali ayaa Shaqadii ka joojiyey Xog-hayaha Golaha guurtida Cabdinaasir Aaddan Beegsi

Wali si rasmi ah uma  cada sababta rasmiga ah ee ka danbeysa shaqo joojinta xoghayaha  balse xogo hoose ayaa sheegaya in uu xog-hayaha  guurtidu diiday in uu saxeexo kharashaad dheeraad ah oo uu ka codsadey gudoomiye ku-xigeenka golahaasi taas oo  la sheegay in aanay  ku jirin kharashaadka golahaasi u qoondeysan.