Wejiga 1aad Ee Abuurista Xeerka Soo Xulaya Musharraxiinta Baarlamaanka Oo La Daah-furay iyo Doorka Jileyaasha aan Dawliga Ahayn

0
87

SONFAF Oo Xagga Dhaqaalaha Ka Saacidaysa Xog-ururin ay Golaha Wakiilladu Ka Samayn Doonaa Lixda Gobol

Hargeysa (Waaheen)-Shirguddoonka golaha wakiillada Somaliland, ayaa si rasmi ah u daaf furay wajiga koowaad ee abuurista xeerka doorashooyinka xubnaha Baarlamaanka, kaas oo ah oo lagu bilaabi doono xog-waraysi ay guddida arrimaha gudaha, difaaca iyo nabadgelyada ee golaha wakiilladu kusoo amri doonaan lixda gobol ee doorashooyinku ku sar go’an yihiin.

Kulanka lagu shaacinayey bilwoga wajigan koowaad oo maanta sabti bilaabmi doona, ayaa lagu shaaciyey xarunta guud ee golaha wakiillada, waxana goob joog ka ahaa Saddexda Xisbi-qaran ee dalka iyo Dallada ay ku bahoobeen ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF oo iyadu xagga dhaqaalaha arrinta ka caawinaysa.

Xog-ururinta ay  guddi hoosaadka arrimaha gudaha iyo difaaca ee golaha wakiilladu abuurista xeerkan ku bilaabi doonaan, ayaa socdalkooda gobollada dalka fadhiyo kala duwan la yeelan doona waxgaradka, haweenka, aqoonyahanka, dhallinyarada iyo ururrada bulshada rayidka ee deegaanadaas, waxana xogta ay soo helaan ay kula soo laaban doonaan goleweynaha wakiillada, iyadoo intaas dibna go’aanka ugu dambeeya ay saddexda xisbi  fadhi kale yeelaan doonaan, isla-markaana soo saari doonaan sida loo qaybsan doono saamiga mudanayaasha oo muran badani ka taagan yahay.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Md Baashe Maxamed Faarax oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa isagu faahfaahiyey shaqada guddidan loo igmaday iyo sida ay wax usoo baadhi doonaan, “Dhibka ugu weyn ee doorashada inaga  haystaa waa muranka ka taagan saami-qaybsiga, xeerkii horena ku meel gaadh buu ahaa, gobollo badan baana muran ka taagan yahay, waxana aanu ku baaqnay in talo qaran laga yeesho oo gobollada dalka oo dhan lasoo maro wixii ay keenaana talo dambe oo guud la iskugu yimaaddo, iyadoo xisbiyada qarankuna go’aanka ugu weyn ee dhinaca saamiga yeelan doonaan.” Ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax.

Guddoomiyaha Dallada ay ku bahoobeen ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF Md Mustafe Sacad Dhimbiil oo dalladiisu xog ururintan dhinaca dhaqaalaha ka saacidayso, ayaa isagana waxa hadalladiisii kamid ahaa, “xeerka baarlamaanka, ayaanu kala shaqaynaynaa guddi hoosaadka golaha wakiillada, maantana waxa aynu u baahanay xeer dhamaystiran oo muddo dheer aynu isticmaalno, inagoo kasoo bilaabi doono min degmo ilaa gobol iyo shacbiga golahani metelaan oo ra’yiyadooda  la dhegaysan doono, waxa waajib inagu ah in muddada kooban aynu keeno wax ugu yaraan heshiis lagu yahay. Dhammaan xeerarka dalka ee u baahan fududayn haddaanu nahay ururrada bulshada inaanu gacan ka geysanno annagoo la kaashanayna deeq bixiyayaasha diyaar baanu u nahay.”

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye, Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed,  ayaa isaguna soo jeediyey in loo baahan yahay in si wada jir ah loo wajaho cabashada ka taagan saamiga lagu soo dooranayo Mudanayaasha, waxana uu hoosta  ka xarriiqay in si guud loo eego cabashada taagan,“Hay’adda SONSAF waanu u mahad naqaynaa, arrintan xilkeedana waxa iska leh golaha wakiillada, xukuumadda iyo xisbiyada qarankuna qayb bay ku leeyihiin, saami-qaybsigana dhammaan gobolladu way ka cabanayaan, haddana gobolladu indho gobol bay ku  eegayaan, arrinkuna indho qaran in lagu eego ayuu u baahan yahay, mana jiro minqiyaas saamiga dalka wax loogu qaybiyo, maadaama aanay dadkeenu tiro koobnayn”ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

Guddoomiye Maxamed oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi,“Marka saamiga laga hadlayo, madaxda axsaabta iyo kuwa qaranku yaanay qabiilkooda iyo qoladooda la cadhoon oo ay talada qaranka qayb ka noqdaan oo iska dhex baadhaan xalka.”

Ku-simaha xog-hayaha guud ee xisbiga Ucid Cabdinaasir Qodax oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa qabyada ku jirta xeerkan ku canaantay golaha wakiillada,“waa wakhti ku haboon in arrintan la gudo galo, waxana waajibaadka golaha haatan fadhiya kamid ahaa inay xeerkii lagu dooran lahaa diyaariyaan, hase yeeshee waanu ka xunnahay inay xilligan xaasaasiga ah kusoo beegaan.”ayuu yidhi Naasir Qodax.

Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, ayaa isagu eedda xeerkaas ku jirta ku sheegay mid qaranka oo dhammi leeyahay, waxana uu yidhi,“waanu ku hambalyeynaynaa tallaabada ay guddidani qaadeen, waxa la isku hayaana qodob hore si ku-meel gaadh ah la yidhi doorashada halloogu gallo, waxana aan qabaa inay ahayd arrin qaranka oo dhan u taallay oo ay ahayd inay xukuumaddu hoggaamiso.”